Wasiir ka tirsan Dawlada Norway oo Af Soomaali kaga yaabsaday Xubnaha Baarlamaanka Somalia (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Monday, April 15, 20130 comments


Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno kale oo la socda ayaa maalmahaan ku sugnaa dalka Norway gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Oslo.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Norway ayaa u jooga halkaas barashada macluumaad ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo Baarlamaanka dalka Norway oo lagu sheegay mid ka mid ah Baarlamaanada Dunida ugu hor marsan .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Qudbad u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool waxa uu carabka ku dhuftay in uu ku faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto dalka Norway oo uu mudo 19 sano ah ku noolaa waliba dib ugu soo laabtay isaga oo xil u haya Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Horumarinta dalka Norway Mr. Heikki Holmas oo ka hadlay munaasabadaan ayaa waxa uu Af Soomaali kaga yaabsaday Xubnihii Baarlamaanka Soomaaliyeed ka socday ee gaaray dalka Norway & Shacab kale oo munaasabadaan iskugu soo baxay kaas oo Soomalida ku salaamay " Galab Wanaagsan " 
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog