4 Noloshaada Muhiim u ah Akhriso Waa Kuu Muhiiim

Thursday, May 9, 20130 comments




Nolosha aadmaha waa mid kooban ubaahan in daryeel ay ku noolaato waxaana wanaagsan inaad mar walbo ku dabaqdo wadooyinka uu Alle kuu jiheeyey waana hubaal inaadan marnaba ku qasaareyn.

Afar Sheey oo Noloshaada muhiim u ah ayaan jecelnahay inaan kusoo bandhigno Maadaama newbanaadir looga bartay U Adeegista Bulshada Soomaaliyeed.

GUURKA : Inta aad nooshahay waxaa wanaagsan inaad guursatid noqotid mid wehel ku heysta anbaqaadka nolosha , Ruuxu marka uu guursado ayuu noqdaa mid isku filan oo waxbadan qabsan kara.

CADAYGA : Nadaafadu waa waxa ay Diinteenu na farayso waqti waliba waa inaad ka taxadartaa Ilaalinta Ilkahaaga maadaama aad waqti walbo Adeegsato Afkaaga lana hor istaagto cid walbo oo ay indhahaagu qabtaan.

CATARKA : Catarka oo isagana kamid ah waxyaalaha jirka bini adamka lagu carfiyo ayaa aad uwanaagsan inaad ku dadaasho is carfinta iyo qaabeeynta jirkaaga iyo Dharkaagaba.

XISHOODKA : Xishoodka waxa uu kamid yahay waxyaalaha noloshaada ugu muhiimsan , hadii aadan xishood lahyn Bulshada qiimeyn kuma lihid xishoodkuna waa sheey aad qaali kuuugu ah , waqti walba ku dadaal inaad ka xushmad iyo xishood kula dhaqanto Bini adamka.







_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog