Waxaa kaloo naftu ii sheegtay inuu yahay waxa qalbikeyga dhexqaaday inuey tahay bad weyn caashaq naftuna iigula dagaashay is dhiiri geliyoo ruux jaceylka ku dareensiiyay sidii aan sariirta ugu dul fakarayay ayaa waagii igu baryay.
-->
Waxaan u qalab qaatay sidii aan wax ka yeelilahaa arintan cusub ee igu sookorartay waxaan talo ku goostay inaan aado saaxiibkey cali gurikiisa si aan ula tashado waa yaab waa maalinta gelya ee casharada isbuuca aan dib ugu ceshan jirnay si aan u aqrino.
Maantana gurika saaxiibkey waxaan ugu socdaa mowduucii uu igu yaqaanay maahee moowduuc kale laakiin waxaan hubaa inuu saaxiibkey talo wanaagsan iga siindoono fikrada aan wado tolow muxuu igula talin doonaa.
Markiiba waxaan soogaaray gurikii saaxiibkey cali waxaan hor imid daartii uu saaxiibkey kunoolaa inaanan garaacin ayaa waxaa ka soobaxday walaashii iguna tiri subax wanaagsan saaka waad sookalahday ee wax dhib ah maa jira mase imtixaankii ayaa soodhow waad baqeysaan miyaa iyada oo qosleysa ayay ereygaas igu tiri waxayna ii raacisay saaxiibkaa wuu hurdaa ee ka kici aniga oo hadalba u furin ayaan hore u soodhaqaaqay waxaana soo abaaray qolkii saaxiibkey waxaana u tagay asaga oo jiifa waxaana ku iri war ka kac meeqo saac ayaad jiiftaa salaan ayaan isweydaarsanay waxuuna yiri saaxiib nabad ma jirtaa haa ayaan ku iri markaasuu i yiri warka soodaa saacadahaan iima imaan jirine Xus miyaa xaafada ka jira mase wax kale ayaa jira.
Saaxiibkey oo aad ii fiirinaya go.ana darafta ku dhagan ayaa igu yiri idhaha maxaa kaahelay allow yaa wax u sheego saaxiibkey maba oga inaan xalayba hurdo ga,ma ka siinin saaxiibkey ayaa ka sarakacay sariirtuu jiifay waxuuna laacay buug u dhawaa waxuuna igu yiri buugan sii aqriso waan sooqubeysanayaa intaan kaaga imaanayo dabadeedna buugii ayaan qabsatay waxaana rogay baalkii koowaad markii aan inyar aqriyay ayaa naftu ii diiday in aan aqriyo iley ruux meel u cadahay meeli ka modoow durbadiiba waxaa ii yimid saaxiibkey cali kafata yar ka dib waxaa qureec noo diyaarisay walaashii markii aan qureecanay ka dib ayaan waxaan guda galanay sababtii saaka i sookalihisay.
Saaxiibkey oo aamus ka sooharatay ayaa waxa uu igu yiri warka sooha ka qaad saaxiibkey waxa aan u sheekay waxyaabihii aan xalay la kulmay iyo hurda la,aanta xalay i helshay waana u sii banbayaaniyay iyo waxii naftu ay tabeysay saaxiibkey oo aad ii fiiinaayo oo aad moodo inuu waligii i arkin ayaa yiri saaxiib looyaan isbadal weyn ayaa kugu dhacay waxa ku gaarayna wajikaaga ayaa laga aqrisan karaa iyo sida aad u taal saaxiib waxaad u baahan tahay dabiib waxaana ku dabiibi kara waa in la helaaa saaxiibkey oo hadalkiisa siiwato ayaa waxa uu yiri aiga oo iga raali noqonaya ii sheek gabadha magaceeda waxaan ku ii waa canab waa magac muunad leh asaga oo hadalkiisa sii wato ayaa waxa uu igu yiri hadal meel weyn iga taabatay oo ah dharaarahba ninkii nool waxbaa dheygag gelyee.
Saaxiibkey cali asaga oo i dhiiri galinaya ayuu igu yiri haka fakirin tan ka seexo waan baadi koobeynaa meel kasto oo ay ku nooshahay waana heleynaa gacanteena ayay kujirtaa saaxiib sida aan ugu fakaeyno iney noga fakar badan tahay sow lagama yaabo iney macquul tahay si weyn iney nooga fakareyso .
Intaas oo hadal ah markuu saaxiibkey igu yiri ayaan ku iri talo maxaan ka yeelnaa wey i sidadaa, waan hubaa waxaan dareemayo inuu yahay jaceyl…? Saaxiibkey ayaa dhabarka iga taabatay bal na keen fadhi nooma yaalee maantase lugtaan fureynaa meeshey nala gaarto isla mar ahaantii waxaan u soo anba baxanay aniga iyo saaxiibey Cali raadintii qokii aan tabayay oo aheyd canab aniga iyo cali oo lugta soosaarnay wadadii weyneyd ee SOS, Markii aan in cabaar ah soconay ayaan waxaan soogaaranay meeshii ay igu salaanatay canab ayaan hal mar la soobooday waa tan meeshii aan canab kula kulmay .
Saaxiibkey cali oo ilka cadeynaya waa meeshii dhaawaca jaceyl kaa soogaaray waxaan u maleynayaa inaadan si dhaqsiyaha ku hilmaaami doonin.
W/Q Abdulaahi Isse
-->
Xafiiska Newbanaadir
Muqdisho - Somalia
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
