Dibadbax lagu tageerayay dowladda Soomaaliya loogana soo horjeeday xildhibanadii mushinka ka keenay xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Barxada Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Banaanbaxan oo ay soo qaban qabiyeen isla markaane ay ka qeyb galeen boqolaal dad weyn ah ayaa waxa uu u jeedkiisu ahaa sidii ay u muujin lahayeen in ay ka xun yihiin mushinka laga keenay xukuumadda, waxa ayna siteen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo lagu tageerayo xukuumadda Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay dibadbaxa ayaa sheegay in waqtigan aan loo baahneen in mushin laga keeno xukuumadda madaama ay ku talaabsatay hormar la taabankaro.
Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa ka codsaday xildhibaanada Soomaaliya in ay dib uga labtaan go’aankii ahaa in codka kalsoonida lagala noqdo xukuumadda.
Xukuumadda uu hoggaamiyo R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xilka R/wasaarenimo loo magacaabay 6 bishii Octobar ee sanadkii 2012, waxaana golaha wasiirrada ay mudaneyaasha baarlamanka ansaxiyeen 13 bishii November sanadkan kadib kulan ay ku yesheen xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed, iyadoo kulanka ay soo xaadireen 225 mudane, codka kalsoonida waxaa siiyay 219, xildhibaan halka ay ka aamuseen Sadax mudane halka labada kale ay diideen.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com