Dumarka oo La Ogaaday Marka Aad Tiraahdo Ereyga Waan Ku Jeclahay, Been iyo Run in Wajigaada ey Ka Aqrisan Karaan

Tuesday, May 14, 20130 comments


Dumarka oo la Ogaaday in ey wajigaada Ka sawiran karta Marka aad ku tiraah ereyga ah waan ku jeclahay, Qodobkaan iyo Qodoba Kale oo Xasaasi ah ayeey Baaritaan ku sameyen shaqaaalaha shabakaddaHMN.

Hadaba Sida uu doono ha u adkaado xiriirka idiin dhaxeeya adiga iyo saaxiibtaa ama xaaskaaga ogaaw waxaa jirta khawaaniin Dumarka ugu qarsoon qalbiga ayna aad u jecelyihiin in saygooda ama Saaxiibkeed uu ka warqabo iyadoon u sheegin.

Haddii aad tahay mid og ama dareemi kara khawaaniinta u qarsoon dumarka ogaaw xiriirkiina ama guurkiina waa mid adkaanayo jiri doonana waligiis oo aan marnaba xumaan, hadaba aan wax ka sheego khawaaniinta dumarka u qarsoon.

1-Ugu horayn ha iska dhigin mid iyada uun siiya ihtimaam ama ka warqaba ee ahaaw qof dabiici isgu kalsoon.

2-Xaaskaaga ama Saaxiibtaa had iyo jeer waxay xooga saartaa ereyga aad ku dhahdo sida “waan ku jeclahay” waxayna awoodaa ineey kala saarto in ereyga aad ku dhahday uu yahay mid sax ah oo laabta kasoo go’ay ama inuu yahay mid dhalanteed ah oo afka uun ah sidaa darteed waligaa haku dhihin haddii aysan dhabkaa ahayn ,sidoo kale ogow xaaskaaga waxay jeceshahay iney had iyo jeer kaa maqasho ereyo macaan intuu doono haka soo wareego guurkiina.

3-Marka aad labadiina wada socotaan wadada Saaxiibtaa ama Xaaskaaga waxa ay aad u neceb yihiin in Saygeeda ama Saaxiibkeed uu kahor maro masaafo hal mitir ah Sababtoo ah waxa ay u arkeeysaa inuusan wax ahmiyad ah ama qadarin siineyn waayo dumarka waxa aay aad u jecel yihiin iney ku faanaan Saygooda dadka hortiisa, marka haka hormarin oo la jaanqaad markaad mareysaan wadada.

4-Haweeneyda waxa ay aad u jeceshahay in saygeeda uu la kaftamo soo dhoweeyo dadka asxaabta la ah iyada xitaa hadduusan xiriir fiican la la hayn marka isku day inaad ixtiraam iyo wanaajin u sameeyso asxaabteeda.

5-Si walba oo xaaskaaga u gaarto guul ama horumar Madareemeyso guushaas iyo horumarkaas ilaa ay ka aragto indhaha Saygeeda sidaa darteed isku day inaad taageerto gacanna siiso iyo inaad qaadato ra’yigeeda ku saabsan noloshiina haddii uu yahay mid Maslaxad ay ugu jirto labadiina.

6-Marka aad isqabataan ama isku dhacdaan haku dhihin ereyo xun xun oo qalbigeeda saamayn ku yeelan doona, sababi karana kalatag iyo kalsooni la’aan marka iska ilaali inaad dhaawacdo qalbigeeda marka aad xanaaqsan tahay.

7-Khawaaniinta Dumarka waxaa kamid ah “beenta iyo sirtoo laga qariyo” ogow haweenka waa kuwo qalbi furan waxa ay jeceshahay in saygeeda uu kula dhaqmo daacad waxna uusan ka qarsan.

8-Dumarku had iyo jeer waa kuwo wal walsan marka saygooda uu yahay mid mashquulsan ama ka xanaaqsan uusan dooneyn inuu la hadlo wayna lasoo xiriiraan ilaa uu u dajiyo qalbiga marka hadaadan la hadlin ama aadan ka qaban Telka waxa ay isleedahay maxaa ku dhacay Maxaad ka haleesaa marka u sheeg meesha aad ku sugan tahay qalbigana u daji.

9-Haweeneeyda majcela in saygeeda uusan ka warqabin marka ay xanaaqasan tahay isku day inaad dhageeysato dacwadeeda iyo waxa ay tabanayso xitaa hadaadan adiga sabab u ahayn iyo xitaa hadaadan u haynin xal kumana qasbanid inaad keento xalkii laakiin dhageyso gacana kusii intaad awoodo.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog