Tan
iyo markii la bilaabay bogoga bulshadu ku kulanto (social media) waxaa sii
kordhayey soo bandhigida Dadku ay u soo bandhigayaan afkaartooda aduunka kale
si dhib yar sawir ahaan iyo qoraal ahanba.
Arintaas
oo keentay faaiidooyin iyo dhibaatooyin farabadan intaba.
Dhaq-dhaqaaqaas
bulshadeed somaalidu kama marna oo marka aad ku wareegto bogogaas waxaad ku
Arkaysaa waxyaalo indhahaaga yaab galinaya isla markaana su'aal aad u weyn
madaxaaga dhex Dhigaya????.
Waxaadna
arkaysaa gabdho dharkii soo dhigtay ama xiran dhar aan naf lahayn oo
sawiradooda ku soo guraya bogogaas.
Marka
laga tago in somalidu boqolkiiba boqol ay tahay dad muslim ah hadana waxaa
intaas u sii dheeraa Dhaqan aan ogolayn waxyaalaha keenaya anshax xumada iyo
doorsoonka waxay caanka ku ahayd bulshada Somaliyeed.
Hadaba
waa maxay sababta ugu weyn ee ka danbaysa arintan??.
Baaritaan
mudo qaatay oo aan ku waraysanay dhalinyaro rag iyo dumur isugu jira xog
ogaalna ku ah arimaha Ka socda bogogan gaar ahaana boga aadka dadku ugu
falanyihiin ee facebook waxay noo sheegeen in ay Aaminsanyihiin in ay arintan
ka danbayso dhowr qodob oo is biirsaday isugana jira kuwo Bulshadeeed(social)
iyo kuwo nafsiyeed(psychological) intaba.
Maadaama
aan xooga ku saaraynay baaritaankeena arinta dhabta ah ee ka danbaysa in gabdho
ilaahay ku Manaystay qurox ay soo saaraan sawiradooda oo aan wanaagsanayn
bogogan waadixa ah, dhamaan Dadkaasi waxay isku raaceeen in ay ugu weyntaay 3
qodob kuwaas oo kala ah:
1.
Ku dayasho dad aysan wadaagin dhaqan iyo diintoona ayna la galayaan tartan
nafsiyan ah oo ay kula Baratamayaan waxyaalaha ay samaynyaan oo ayaga ula
muuqda wax casri iyo reer magaalnimo ku jirto.
Arintaasna
waxaa sii bari taaray gabdhaha qurbaha ku koray oo si toos ah saamayn weyn ugu
leh kuwa ku Dhaqan gudaha ayagoo u soo tabinaya waxyaalo ay ka soo koobiyeeyeen
dadyow kale ayna khasab ku Tahay in ay dabo galaan.
2.
Kalsooni daro kalsooniduna waa shay qaali ah mar haday kaa dhuntana waxaa kugu
dhacaya khal khal Nafsiyadeed waxaadna isku arkaysaa in aadan wax qiima ah ku
fadhin sidaa darteed waxaad ku Kadsoomaysaa in aad qabato waxkasta oo aad is
leedahay waa ku abuuri kartaa kalsooni dhankasta marka Laga eegana gabdhaha soo
dhiga bogogaas dadweynaha sawiradooda oo waadix ah waxaa ku kalifaya soo
Jiidasho ay ku doonayaan in ay soo jiitaan ruux ay ka qabaan kalsooni xumo.
3.
Ciyaar iyo madadaalo 30% dadka soo bandhiga ma sawirada xun xuni ma ahan dadkii
asal ahaan u lahaa Ee waa dad si kastoy ku helaanba ay gacanta u soo galeen
isla markaana si ay uga helaan qosol ama Waxyeelo ceebays aan macno ku dhisnayn
ah usoo bandhiga.
Si
kataba ha ahaatee mid ka mid ah aqoonyahanka soomaaliyeed ee aqoonta u leh
dhanka social media ha Ayaa waxa uu intaas ku darayaa in meesha sartu ka
quruntay ay tahay gabdhihii oo aan ka xishoonayn waxa Lagu magacaabo baraaruga
hibaatooyinka laga dhaxli karo internetka iyo sidoo kale ayagoo aan helin cid
ku Hadlaysa afkooda oo ka wacyi galisa isla markaana wax uga sheegta
dhibaatooyinka internetka laga dhaxli karo.
Kuxuuna
intaas ku daray in internetku uu yahay badweyn hadaadan fahmina aad ku dhex
lumayso khatar Nololeed iyo mid taariikheedna laga dhaxli karo.
Mar
aan waydiinay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ay u keeni karto dadka noocaas ah
falalkan ay ku Hawlanyihiina waxaa uu ku jawaabay "ogow haddaysan kugu
lahayn waxyeelo deg deg ah oo aad is Tiraahdo hadhowba waad tirtiraysa in dad
badani amaba websiteyo badani ay mar hore kayd sheen Taariikhdaada mustabalna
ay dhaawac ku yeelanayso".
Walow
aan la dhayalsan karin hadalada
khuburada iyo dadka ku xeeldheer arimaha internetka hadana Waxaa jira in aan laga
jari karayn si fudud dadka caadaystay in ay ku baashaalaan sawirooda ama kuwa
Dadkale oo waadix ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com



