Guur Macno Ku Fadhiya ( Naag guursatay Nin Cuuryaan ah )

Monday, May 13, 20130 comments


Kadib Barashada lamaanaha waa kuwa isla soo mara dhib iyo dheef waqtiyada ay kalsooni helaana waa kuwa aanan jirin wax soo kala dhex gali kara si wada jir ahna ula dagaalama Shakiga iyo nux nuxda jirta.

Lamaanayaasha Sergeant Rick iyo Leanne Isaacs oo Jaceylkoodu gaaray meel aad u sareeysa ayaa mar qura waxa ay Dowlada Ingiriisku kala dheereysay qolfahooda , waxaana Wiilka loo diray Xalinta dagaalada ka socda Taliban.

Mudo kadib labadani lamaane waxa ay ahaayeen kuwa kuwada haasaha aaladaha kala gadisan marnaba ma aysan tabin cidlo iyo kala dheeraansho qalbiyadooda isma aysan ilaawin.

Ugu danbeyn Wiilkii waxa uu ilaah qadaray in uu Labadiisa luguud kuwaayo dagaal ka dhacay Afqaanistaan ee uu markaasi u joogay nabad usoo celinta .

Nasiib wanaag markii uu dib dalkii Ingiriiska ugu soo laabtay waxba iskama badalin Lamaantiisa waxaana Ugu danbeyn ay asbuucii lasoo dhaafay dhigteen Aroos aad uga duwnaa kuwa maalin walbo caalamka ka dhex dhaca.

Haweeneyda oo hadalo qiiro leh ka jeedisay goobta ayaa sheegtay in uusan Jaceylku marnaba guurin shalay quruxdiisa iyo dhal dhalaalkiisa ma’aanan jeclaan ee qalbigiisa saafiga ah ayaan doortay maantana waxba iskama eysan badalin hadafkeyga.

Daawo Sawirada :





_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog