Mucjiso Hawneey qabriga la lagu asay oo dib usoo noolatay….

Wednesday, May 1, 20130 comments


Argagax ayaa ka dhacay gobolka Khanshala oo 450km dhanka bari ka xigta magaalada caasimada u ah ee Algeria ka dib markii dhacdo la yaab ah ay ka dhacday taas oo ah in haweeney waayeel ah ay nolosha dib ugu laabtay markii dhinaca qabriga loo dhigay .

Wargeyska Alshuruuq ee ka soo baxa dalka Algeria ayaa bogooda internetka ku sheegay iyaga dad goob joogayaal ah ka soo xiganaya in haweeneydaan oo 72-sano jir ah ay dhimatay ka hor inta nolosha dib ugu laaban markii dhinaca loo dhigay qabriga .

Iyadoo jawigii muragada uu isu badalay mucjiso iyo farxad gaar ahaan caruurteeda oo rumeysan waayay arintaan maadaama habeen iyo maanta ay ku jirtay dunida geerida .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay marqaati ka yihiin in haweeneydaan la meyd dhaqay sidoo kala lagu tukaday salaadda janaazada iyadoo ka dib qabriga loo qaaday .

Waxaa intaa lagu daray in markii qabriga la dhigayay sida sunada ah in wajiga laga qaado ayuu la kulmayay qofkii qaaday in indhaheeda ay furnaayeen fiiro gaaban ka dibna ay neefsatay , iyadoo noloshii ku soo laabatay ka dib markii ruuxda ay jirkeeda ku soo laabatay .












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog