Qaladaadka ugu waa wayn ay sameeyaan raga xiliga galmada

Wednesday, May 8, 20130 comments

Qaladaadka ka dhaca raga xiliga ay u raaxeynayaan xaasaskooda ayaa ah mid dhaawaca nolosha xaasaskooda maadaaama ay ragaan ay yihiin kuwa aan sixin markasta qaladaadkooda taas oo marka danbe naagta ka dhaadhicisa in ninkeeda uu yahay nin isla wayn ama aan aheen nin romantic ah, hadaba qaladaadkaas waxaa kamid ah:-

1- Ninka oo iska dhaadhicaya in ay qanacday xaaskiisa:  galmada markii la sameenayo ninka markii uu biyo baxo wuxuu joojiyaa shaqada uu waday maadaama uu biyo baxay gaaray raaxada meeshii ugu sareesay mar hadii uu biyo baxay laakiin isma waydiiyo in xaaskiisa ay tahay mid qanacday ama wali iyad ay ubaahantahay in loo sii raaxeeyo ilaa ay iyadane ka noqoto mid maqsuuda oo ay biyo baxdo, hasa ahaatee raga inta badan ma daneeyaan mar hadii ay iyaga biyo baxaan xaasaskooda taas oo dhaawac ku ah nolosha xaaska.

2- Ninka oo baashaalka ahmiyad siinin:  raga qaar ayaa xaaskooda siin waxbaashaal sida in jirka loo salsalaaxo la dhunkado la fara ka ciyaarsiiyo, waxaa jiro rag badan oo isla markii la aada xaajada meesha ugu muhiimsan jirka mana ku baraarugsana in ay naagta tahay mid marka hore ubaahan in jirkeeda meelkasta looga raaxeeyo kadib loo dhaadhaco xubinta taranka, baashaalka dumarka wuxuu ugu fadhiyaa ahmiyad aan qoraal lagu soo koobi karin.

3- Ninka oo iska indho tiro baaqyada jirka dumarka:  Dumarka waa mid inta badan lagu duboolay xishood aan sheegan karin marmarka qaar xiliga ay rabaan in loo sameeyo galmada badalkeeda ayee sameeyaan baaq ama astaamo ay ku muujinayaan in loo galmooda ay ubaahanyihiin raga qaar ayaa iska indho tiro baaqyadaas mana ku xisaabtamaan in dumarka xishood ku jiro.

4- Ninka oo aaminsan in isaga bas uu yahay boqorka raaxada: raga qaar ayaa aaminsan in naagta ay tahay wax la isticmaalo markii aad ubaahato sababta ay uguursadeen ay sidaas tahay muhiimada dhan ka soo qaada xiliga uu isaga dareen haayo oo kaliya, iskuna heesto in uu yahay boqor xiliga uu rabo xaaskiisa farta ugu yeera.








Canab Xasan
canabxasan09@hotmail.com
Arrimaha bulashada Kala soco
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog