Qolka aad ku nooshahay waa nuucee kalarkiisa? ma is waydiisay wali kalarka
qolka wuxuu ka qeyb qaataa dareen kicinta lamaanayaasha? ma is tiri iska badal
kalar qolka aad ku nooshahay? hadaba maanta waxaan ku wadnaa kalarada ay
xiiseeyaan lamana yaasha is qaba si dareenkooda galmada uu sare u qaadmo.
Daraasdaan cusub ay sameesay Littlewoods.com ayaa sheegtay in lamaanayaasha
is qaba ee dagan qol rinjigiisa yuhay balbar ay yihiin kuwa ugu badan ee
sameeya galmada, daraasadaan ayaa lagu sameeyay dad gaaraya 2000 oo qof oo ayaa
soo baxeeso in dadka kalarka qolkooda uu yahay balbar ay isbucuu isku celcelis
sameeyaan galmada 3.5, daraasada ayaa sheegtay in kalarkaas uu yahay kalarka
ugu badan ay qolka jiifka ka dhig qol saamaxa in ay markasta isku galmoodaan
lamaana yaasha is qaba.
Kalarka labaad ee sidoo kale saacida sare uu qaadita ayaa noqday kalarka
casaanka (guduudka), lamaanayaasha qolkooda uu yahay kalarka casaanka dhanka
galmada ma gaarsiisana kalarka balbarka, isku celcelis lamaana yaasha qolkooda
jiifka uu yahay kalarka guduuka ah galmada waxay sameeyaan isbuucii 3.2.
Kalarka 3aad ayaa noqday kalarka ah buluuga, daraasada ayaa sheegtay
lamaanayaasha dagan qolka kalarka buluuga ah in ay isbuucii galmada sameeyaaan
isku celcelis 3.1
Kalarka 4aad ee daraasada soo qaadatay ayaa ah kalarka loo yaqaano boorka
kaas ay sheegtay daraasada midka ugu yar ee sabab galmada isku celcelis dadka
isqaba waxay sameeyaan 1.8.
Laurence Llewelyn-Bowen oo ah qabiir dhanka style ka ayaa sheegay in uu
markasta dadka kula taliyo in ay qolkooda ka dhigtaan kalarka balbar kaasoo ka
saacidaya lamaana yaasha kuwa markasta u xiisa sameenta galmada.
Canab Xasan
Xafiiska Newbanaadir
New York - America
canabxasan09@hotmail.com
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
