War-baahinta Caalamka oo wax ka qortay qarashkii ku baxay afar habeen Madaxweyen Xassan Sheekh uu London ku sugnaa.

Monday, May 13, 20130 comments


War-geyska the Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa waxa uu qoray sheeka uu ciwaan uga dhigay, “Safarkii raaxada lahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya waa qarashkiinii Ingiriisoow”
  
Wargeyska ayaa qormadiisa waxa uu ku bilaabay waxaan daaha ka rogi karnaa in qolyaha canshuurta bixiya ee dalka Ingiriiska ay ku jaha wareersanyihiin wali oo ay la yaabanyihiin qarashka ku baxay madaxweynaha Afrikaanka ah ee safarka ku tegay Hoteelka ka midka ah five-stars-ka ee London ku yaalla.

Waxa uu intaa raaciyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku raaxeestay duulimaadyo cajiib ah, iyada oo lagu galbiyay gaadiidka nuuca loo yaqaanno chauffeur isaga oo sidoo kale seexday mid kamid ah hoteelada ugu qaalisan Ingiiiska oo ah Dorchester hotel, dhamaan qarashaadkaasina waxaa bixinyay dowlada Ingiriiska.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay sida uu wargeysku qorayo shan wasiir iyo 14 ruux oo kale kuwaa oo dhamaan afar habeen ku sugnaa hoteelka Dorchester oo qolka ugu qiimaha yar maalintii lagu seexdo £318 meesha ugu qaalisanna ay tahay £9,318 halkii habeen.

The sun ayaa waxa ay leedahay, “Hadii wufuuda madaxweynuhu hor kacayo ay seexdeen qolalka ugu raqiisan hoteelka qarashka ku baxay waxa uu noqonayaa £25,440”.

Qarashaadkii duulimaadyada ayaa iyana waxa uu ku sheegay £24,158. Halka gaariga chauffeur-ka ah ee madaxweynaha lagu qaadayay maalintii uu ku kireesnaa £400.

Wargeyska ayaa lacagta safarkaasi ku baxday waxa uu ku qiyaasay in meesha ugu hooseysa ay tahay £50,798.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog