Maadaama Soomaaliya uusan hadda ka jirin gole dabagal iyo qiimeynba ku sameeya heesaha iyo guud ahaanba fanka Soomaaliyeed ayaa waxaa aad u yar in lafahmo qaladaadka Fanka ee ay Fanaaniintu sameeyaan marka ay heesaha duubayaan.
Waxaa jira heeso aad u farabadan oo ay kujiraan qaladaad xaga ereyada ah ama musiga balse ay dadku iska dhageystaan aysana jirin cid wax katiraahda lagana yaabee in fanaanka qudhiisa uu san fahansaneyn qaladkaasi balse uu kubaraarugo marka qofyaqaana tuso halka qaladku kajiro.
Inagoo marar kale kaga hadlidoona barnaamijyadeena soosocda qaladaadka ereyadda iyo midka duubista Muuqaaladda ayaa maanta waxaan qeybtaan ku eegeynaa Qalad kujira heesya Minnesota ee ay isla qaadaan Labada fanaan ee Farxiya Kabayare iyo Fannaan C/xamiid waxaana heesta qeybta Fanaanadda Kabayare ku jira Xooga kadib dhac ah oo xaga musiga ah taasoo ah in aan la lasocon tirada ama waqtiga TEMP-da .(Time Signature).
Fanaaniinta Soomaaliyeed intooda aan musiga u baran qaab qoraal ahaan ah ee dusha ka yaqaana Nooca muusiga waxaa ay u yaqaanaan qeybta ay hadda qaladay Fanaanada kabayare ”’UM” oo sawir ahaan u dhiganta in Halmar had isku garaacdo Labadaada Sacab adigoo raacaya qiyaasta ama Lanbarka uu RHYTHM -ka musigaagu kusocdo.
Waxba yaanan Hadalka kugu daalin ee waxaad isku Fiirisaa laba Meel ee Fanaanad iyo Fanaanka waxaana aan kusiindoonaa Lanbarka Heesta ee YUOTUBE-ka kadibna Daqiiqadahaasi isticmaal ..Marka hore heestii waa tanaa
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com