- Shucaaca farxaddu waxa uu ka soo burqamaa haweenka oo iftiimiya madowga nolosha.
- Dahabka waxa lagu tijaabiyaa dabka, haweenkuna dahabka.
- Haddaad damacdo hantidaada inaad qariso, haku qarsan carrab haween hoostood.-
Haweenku waxa loo diido way doonaan.
- Haweenayda caqliga adeegsata qalbigeeda khatar ma dareemo.
- Qofka xaaskiisa garaaca wuxuu la mid yahay qof gacantiisa midig la dhacay ta bidix.
- Noloshaada rawaxday marka qalbigaaga haweenay ka daba dhaco.
- Haweenayda quruxda badan waxay u baahan tahay saddex nin, oo kala ah:
1. Mid amaahdeeda bixiya.
2. Mid ay jeclaato.
3. Iyo mid ka daba carara.
- Haweenku waa xadhkaha shaydaanka.
- Khilaaf naftaada iyo haweenka, dabadeed waxaad doonto samee.
- Haweenku waa nimco ama naxdin.
- Shaydaanku waxa macallin u yahay ragga, shaydaankana waxa u macallin ah haweenka.
- Guri kasta haween ayaa aas aas u ah, iyagaana dumin kara.
- Haweenayda quruxda badan indhaha iyo qalbiga ayey u wanaagsan tahay, jeebkana wey u daran yahay.
- Haweenka iyo muraayada mar kasta khatar bay ku sugan yihiin.
- Raasamaalka ragga waa caqliga, raasamaalka haweenkuna waa xishoodka.
- Hinaasaha haweenka waa furaha furiinkooda.
- Haweenka iyo hantida laguma kalsoonaado.
- Dal inay xukamaan ragga ayaa ugu fudud, haween inay xukumaan.
- Haweenku waxa ay diidaan way jecel yihiin.
- Ninka haweenaydiisu qurux badan tahay, laba indhood ka ba
- Haweenku markay hadlaan dhegayso, indhahooda waxa ay sheegaan.
- Haweenka hantida raggooda uga dhintaan dhaxla, markasta way qurux badan yihiin.
- Midka guursada haweenay afar hablood dhashay wuxuu guursaday afar tuug.
- Carrabka haweenka waa hubkooda.
- Haweenka iyo buundooyinku markasta dib u hagaajin ayey u baahan yihiin
- Haweenku waa furaha aqal kasta.
- Saddex lagama dhergo, haweenka, faaliyaha iyo hilibka digaaga.
- Haweenayda fool xun qalbi xannuun ayey kugu ridaa, ta quruxda badanna madax xannuun ayey kugu ridaa.
- Haweenayda ninkeeda hanti uga dhinto il keliya ayey ka oohisaa, ta kalena way ka farxisaa.
- Ninka waxa sharci u ah gabadhiisa.
- Eygu hilib buu ku dhergaa, haweenkuna hadal macaan.
- Haweenay la qabo aan ubad lahayn fadhi uma yaalo.
- Cimilada, nasiibka iyo haweenka way is rog-rogaan, sida dayaxa.
- Waa doqonimo inaad kormeerto haweenay aan wanaagsanayn.
- Haweenku waa sida hadhka, haddaad ka daba cararto way kaa carari, haddaad ka carartana way ku daba carari.
- Ninka hooyadii waa u shaydaan gabadhiisa.
- Oday da’ah marka uu guursado gabadh ka yar shaydaanka wuu qoslaa.
- Haweenayda aan la qabin waxay la mid tahay beer aan gaydh lahayn.
- Nin aan naag qabin wuxuu la mid yahay madax aan jidh lahayn, haweenay aan nin qabinina awxay la mid tahay jidh aan madax lahayn.
- Ninka guursada haweenay hanti leh xorriyadiisa ayuu iibiyey.
- Haweenayda quruxda badan meherkeeda wejigeeda ayey ku sidataa.
- Haweenka iyo madaxda ma helaan saaxiibo daacad ah.
- Haweenku waa shar aan laaga maarmin.
- Haddii haweenayda qurux badan jawharad tahay, haweenayda wanaagsana waa dheeman.
- Haweenku say ayey ku hamiyaan, markay helaana waxy kasta ayey ka doonaan.
- Haku kalsoonaan qalbiga haweenka iyo qorraxda jiilaalka.
- Guri aan gabadh joogin, wuxuu la mid yahay ceel aan wadaan lahayn.
- Haddaad doonto gurigaaga nabad inaad ku hesho, samee gabadhaada waxa ay doonayso
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com