Falanqeynta Ciyaarta Adag ee u Dhaxeysa Kooxaha Chelsea iyo Liverpool

Sunday, December 29, 20130 comments

Horyalka ingariiska oo xiligan Xamaasadiisa Aad u Sareyso ayaa Waxaa Sii dheer kulamadii ugu Danbeyay Ay Qoorta isla Galeen Kooxo Waaweyn  Guuldaradii Dhawan soo Gaartay kooxda Liverpool ayaa noqon Doonta mid iska Fudud Wayo Guuldaro kale oo kasoo Gaarta kooxda Chelsea Ayaa ka dhigan in ay Gasho Booska 5 aad Ama 4 aad Waxayna Tasi ku sii Xirantahay Guul ay Gaarto Kooxda Everton Wayo  Guul ay Gaarto everton iyo Guuldarada Liverpool  ayaa ka dhigan Booska 5 aad oo Rasi mi ah in ay Gasho kooxda Liverpool Ogow  Kaliya Waa Hadii ay dhacdo,

Aduunyada Ayaa Mar Sadaxaad  ku sii jeeda Stamford Bridge Kadib Markii Horay ay u dhaceen kulamo dhexmaray Machester City 6-3 Arsenal iyo Manchester City 2-1 Liverpool xiligan Waxaa loo Fadhiyaa Waxa ay Kala Helaan Chelsea iyo Liverpool  Madama koox Walbo ay baadi Goob ugu Jirto Guul ay Gaarto kulankan,

Macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa u baahan in uu isku Difaaco Garoonkisa Marka ay Timaado kooxda Liverpool Kadib Markii uu Booqday Garoonka Arsenal Kulankan ku dhamaaday Barbardhac  Ayuu Saxaafada la Hadlay isaga oo sheegay in Arsenal ay Tahay Koox Cajis Badan Madama Gurigooda ay ku Badan Waayeen Lakin Xiligan isaga ayaa looga Fadhiyaa Faankaaasi,

XIDIGAHA KA DHAWACAN KULANKAN.

Chelsea

Ramires waa ganaax,Ryan Bertrand iyo Marco van Ginkel waa dhaawac

Liverpool

John Flanagan ,Jose Enrique ,Steven Gerrard ,Daniel Sturridge iyo Sebastian Coates

TAARIIKH AHAN LABADA KOOXOOD.

Chelsea ayaa ka badisay labo jeer oo kaliya Liverpool 13-kii kulan ee gu dambeeyay Premier league,afar bar baro halka Liverpool ay ka badisay Chelsea 7 jeer.

Shan mar oo Chelsea ay ka badisay Liverpool 7-dii kulan ee ugu dambeeyay Premier league ayaa waxaa ay yimaadeen inta uu Blues tababaraha u ahaa Jose Mourinho.

Liverpool ayaa 29 gool ku dhalisay London 14-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier leagu,kulan kasta waxaa ay dhalineysay(2.07).

Reds ayaa dhalisay sanadka 2013 goolal badan oo gaaraya 83 gool waana in ka badan inta ay dhaliyeen dhamaan kooxaha Premir league.

Kabtan Luis Suarez ayaa bar bareynayay Chelsea qeybta labaad ee ciyaarta labadii kulan ee Chelsea iyo Liverpool dhexmaray xagaagii hore.

Suarez ayaa dhaliyay 29 gool 27-kulan uu saftay sanadka 2013,wuxuu u baahan yahay kaliya hal gool ama wax ka badan si uu u noqdo xiddiga kaliya 7 ciyaaryahan oo 30 gool loogu diwaaan geliyay kalenderka sanadka taariiqda Premier league.

Chelsea ayaan marna looga badin Premier league gurigeeda inta uu maamulka kooxda uu hayay Jose Mourinho laakiin guuldara la’aantaas ayaa dhamaaday kadib markii uu ka tagay Jose Mourinho Chelsea 2007,kooxda Liverpool ayaana ah kooxda soo afjartay rikoorkaas (October 2008)

Tababare Jose Mourinho ayaan marna loogu badin Stamford Bridge,54 kulan ayuu ku badiyay garoonkani 69-kulan uu ku ciyaaray.

Chelsea ayaa laga badiyay seddex jeer,waxaana ay badisay 1 jeer shantii kulan ee Premier league ay kula kulantay garoonkeeda Liverpool halna bar baro ayey ku dhameysteen

Kooxda tababare Brendan Rodgers Liverpool ay wali dareemeysa guuldaradii xanuunka badneyd ee 2-1 Man City ka soo gaartay.

Chelsea oo ku jirta kaalinta Seddexaad ee Premier league ayaa kulankii ugu dambeeyay 1-0 dirqi ah waxaa ay ugu soo badisay kooxda Swansea City.

Ramires ayaa Chelsea u ciyaari doonin kulankan oo waa uu ganaaxan yahay,kadib markii uu qaatay kaarkii shanaad ee Jaalaha kulankii Swansea.

ka hor kulankan Tababare Jose Mourinho ayaa ku kaftay inuu jeclaan lahaa inuu Suarez uusan u ciyaarin Liverpool sababtoo ah waxaa uu qatar ku yahay kooxdeydiisa.

WAQTIGA CIYAARTA.

7:00 habeenimo geeska Africa

Garsooraha:

H. Webb‎

Garoonka:

Stamford Bridge

Line upka Macquulka aH

Chelsea: Cech; Ivanovic, Azpilicueta, Cahill, Terry; Mikel, Lampard, Schurrle, Oscar, Hazard; Torres

Liverpool: Mignolet; Johnson, Cissokho, Skrtel, Sakho; Lucas, Allen, Henderson, Sterling, Coutinho; Suarez











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog