Aqriso: Lamaanaha doonaya Farxad In ay ku noolaadan Oo aan talo Fiican u hayno

Saturday, January 11, 20140 comments


Sowja wanagsan Lammaanaha guurka iska damacsan amma is-guursaday haddii ay marka u hore u diyaar garoobaan inay farxad ku noolanayaan waxa hubaal ah in maskaxdoodu siday aaminsan tahay noqon doonto, balse hadday niyadda ku hayaan inay la kulmayaan xaalad adag, isla markaana shidaystaan nolol-qaybsigooda, waxa laga yaabaa in waxa qalbigiisa ku jiraa u rumoobaan, laakiin marka u horraysa runtu waxay tahay in qofku diyaar u noqdo farxad iyo nolol wanaagsan.

Qalabka farxadda diyaarso:

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee farxadda u ah lammaanaha wada nool waa jacayl iyo xidhiidhka wanaagsan ee labada qof ka dhexeeya, hase ahaatee xaqiiqdu waxay ku jirtaa in arrimaha farxadda keena ay ka mid yihiin in qofku diyaar u noqdo dhaqaale ahaan iyo niyad ahaanba inuu xaas iyo guri yeesho.

Is-dhegaysiga badiya:

Is-dhegaysa lammaanuhu wuxuu ka qaybqaataa in ay si fiican isu fahmaan, tabashadoodana iska xaal-marin karaan, balse haddii aan labada ruux siday tahay isu dhegaysan oo is-maqlin, waxa dhexdooda yimaad murugo oo xataa waxa meesha ka baxaysa in la maqlo erayada macaan ee xidhiidhka labada qof sii adkayn kara.

Kuwada hadla luqadda jacaylka:

Haddii aanay lammaanuhu kala helin luqadda jacaylka oo macnaheedu yahay erayada macaan ee ay isweydaarsanaan labada qof ee is-jecel, sidoo kalena isu muujiya heerka jacaylkoodu gaadhsiisan yahay, waxay arrintaasi qayb libaax ka qaadataa in lammaanahaasi noqdaan qaar isku sii waara.

Farriimaha qoraallada Jacaylka:

Farriimaha qoraallada jacaylka ah haddii lammaanuhu wax akhriyaan waxay ka qaybqataan waxyaabaha isu soo jeeda ee ay isugu cabbiraan arrimaha aanay afka isaga sheegi karin, waxana lagu tilmaamay daraasado iyo cilmi-baadhisyo badan oo arrintan laga sameeyey in farriimaha telefoonnada gacanta la isaga diro amma qoraal ahaan la isugu gudbiyo ay ka xoog badan yihiin jacaylka afka la isaga sheego, kuwaasoo quluubta labada qof aad isugu soo jiida.

Kaftanka: 

Kaftanku waxa uu furfuraa labada qof ee isu cadhoonaya, waxaannu faa?iido weyn u leeyahay lammaanaha, kaasoo si khaas ah ugu dhiirrigeliya inay noloshooda ku faraxsanadaan, sidoo kalena noqdaan laba qof oo aad isugu furfuran, farxad iyo kalgacalna dhexdooda ka muuqato.

Qof aan kula barbardhiga ma jirto:

Kalmaddani waa mid muujisa sida labada qof isu jecel yihiin, waxaanad mooddaa inay mala-awaal u egtahay, laakiin waa mid dhab ahaantii kalgacal iyo jacayl run ah ku dheehan yahay hadday qofka ka soo go?do, waxaanay qayn laxaad leh ka qaadataa farxadda lammaanuhu ku wada joogaan.

Dulqaadka:

Dulqaadka waxa lagu tilmaamaa inuu yahay hubka farxadda iyo daawada ka hortagta cadhada amma xumaanta dhexmari karta lammaanaha, waayo hadday isu dulqataan waxa hubaal ah inay farxad ku wada noolaanayaan, si kalsooni lehna u wada xallinayaan mashaakiilaadka soo kala dhex gala

Haddaba, si aad u hesho qoys farxad ku naalooda waxa qof kasta looga baahan yahay dulqaad badan, waayo dulqaadku waa waxyaabaha guusha nolosha hormoodka ka ah.

Is-qurxinta:

Haddii labada qof ee is-jecel amma lammaanaha nolosha wadaagaa is qurxiyaan markasta oo ay indhahoodu isku dhacaan waxa dhexdooda ka abuurmaya xubbi iyo kalgacal quluubtooda dega, arrintaasna waxa lagu kasban karaa nadaafada iyo habka qofku isu qurxiyo oo shakhsiga kale ku abuurta soo jiidasho iyo jacayl dheeraad ah.

Waqti hore hoyo

Hoyo waqti hore haddii aan hawlo badan kugu xidhiidhsanayn, shaqadu hadday kugu badatana ka codso lamaanahaaga in aad hawlo adag ku jirto, taasina waxay muujinaysa ixtiraamka iyo kalgacalka aad isu haysaana, waxanay ka qaybqaadanaysa inaad isu soo dhawataan, noloshiinuna noqoto mid isku xidhan oo aan kala fogayn.

Ixtiraam kalgacalka uu kuu hayo qofka kale

Dadka qaar ayaa jacaylka iyo kalgacalku markuu ku bato is ogaan waaya, isla markaana dadka dhexdooda ku soo bandhiga amma ka warwara dadka, waxaana fiican qofka kale inuu dulqaad sameeyo, cadhana aannu ka muujin jacaylka lo ohayo.

Ixtiraamida kalgacalka uu qofku kuu hayo waxay sii badisaa in qofkaasi sii badiyo xubiga uu kuu hayo, balse haddii aad cadho kaga jawaabto, waxa laga yaaba inuu ka xumaado falka aad kula kacday.

Waliga ha lumin kalsoonida 

Way fududahay in la helo qof ku jecel, balse waxa aad u adag inaad hesho qof kalsooni badan kugu qaba, farxadna ma jirto haddii aan la ixtiraamin kalsoonida dhexdiina taala, kalsooniduna waa shayada tiirka u ah in qoyskaas amma labadaas qof sii wada jogaan, sidaa darteed mar kasta waxaad isku daydaa inaad dhisto kalsoonida dhexdiina taala?

dhammaad?











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog