Guurka ka dib ayaan ogaaday in ay garoob ahayd

Monday, January 6, 20140 comments

Magaalada Qaahira ayaa waxaa kunool Soomaali aad u tiro badan waxaana jirta in ay dhacdo inay soo gaaraan odayaal guurdoon ah oo isfahanwaa soo dhex maray xaasaskoodii ay ku qabeen Yurub iyo Mareykanka ama kuwo aan waliba salaamin naag mar marna kusheegayaan inay dalkii kasoo tageen 20 sano kahor intaasna ay ku mashquulsanaayeen aduun balse markii ay madaxooda ka arkeen cirro waxey go’aan sadeen inay soo aadaan dalka Masar si ay usoo helaan gabar yar oo wax baratay ama gabar asluubta Soomaalida iyo iyo Diinteedii ku ad adag salse qisadan ayaa ka duwan kuwii hore.Xuseen oo ah odaygan Soomaaliyeed ayaa ka yimid Dalka Ingiriiska si uu u guursado Gabar yar waxuuna la kulmay Qof aad u qurxoon taasoo aragtidiisii ugu horeysay Xuseen usoo jiidatay sidii birqabatada oo kale waxuuna sheegay inuu doonay inuu dhulka kusi daayo Shaah uu markaas cabayay sida uu ula dhacay awgeed, waxuuna islamarkii ka codsaday dhalinyaro la fadhiday inay Isbaraan asga iyo qofkaan aragtidada hore ku dhaawacday waxeyna suurto galiyeen Dhalinyaradii inay wada kulansiiyaan Xuseen iyo Qofkaan uu jeclaaday sida uu noo sheegay.
Markii aan isbaranay waxaan kala kulmay soo dhaweyn diiran, dabeecad wanaagsan, niyad sami aan la heli karin, waxaana intaas ii sii dheereed sida aan ugu qanacsanaa ayuu yiri anigoo ku fekerayay inaan helay Haweeneydii iigu qurxoneeyd aan helay waligey maadaama aan carigii aan ka imid kusoo arkin qofkan ruux la mid ah ayuu yiri Xuseen oo markaas ka muuqatay inuu ka careysnaa waxii uu la kulmay.

Waxaan bilawnay wada hadal Romance iyo qorfeyn dheer sameyna waxaan wada soconay muddo 2 isbuuc ah waxaana u sheegay inaan ahay qof aan sii joogi karin Qaahira oo aan ahay ruux ay ka dhaceyso Howl ama Shaqo sidas darteed aan Guda galno wejiga kale ee nolosha maadaama aan noqonay dad isfahma oo aynu Guri galno aana ka dhigano isla isbuucan wayna igu raacday racalisadeydii ayuu Yiri Xuseen waxaana aad ii caawiyay dhalinyaradii ayagu igu leymiyay qofka, waxaana la xiriiray Qoyskeeda sida Aabahii dhalay Iinanta iyo Hooyadeed oo Joogay Muqdisho waxaana u diray sidii caadada aheyd Xoogaagii aan gabadha ku doonanayay balse iima aysan sheegin inay gabadhoodu hore usoo guursatay oo waxey iila dhaqmeen sida inaan ahay qofka ugu horeeya ee guursanayay Curudkooda inanta ah.Damaashaad iyo dalxiis aan ku tagnay magaalada Alexanderia oo iyado xeeb ah una jirta 4 saac Magaalada Qaahira waxaana sida lagu yaqiinay Aroos guda galnay gurigeenii aan ka kareysanay meel xeebta u jirta 20 mitir anigoo niyadeeda noqotay inaan ku noolahay ama aan helay farxaddii aaduunka waxaana noo dhacay habeenkii ugu horeeyay gabalka.
Cashadii macaaneyd ee noola keenay kadib abaarahii 10:00 fiidnimo ayaan bilaawnay Kaftan, Gadgadoon, xanta xanteyn iyo shumis kadib waxaan guda galnay jawigii caadiga ahaa eed dhaqanka waxaana 30 daqiiqo oo ka macaan intii aan soo noolaa oo dhan kadib waxaan ku tagay meeshii wel welka yar iga haystay ee aheyd tollow sidaad Miraayada u jabin doontaa laakiin sidaan filaayay ma aysan noqone waxaan la kulmay waddo iska furan iyo inay tahay ruux hore usoo maray guur isla meeshii ayaana korontadii iiga tagtay waxaana isweydiiyayay isla daqiiqaadas su’aalo badan oo ah yaa kaaga hormaray yaa soo aroosay maxey kuugu sheegi waysay iyo kuwa kale oo badan?. ayuu yiri Xuseen oo intaas ku daray inuu ku dhawaaday xaalad suuxtin.

Waxey igu tiri fadlan i cafi Gabar Ma aheyn waxaan ahay Hooyo yar oo hore usoo dhashay 3 caruur ah fadlan ii samar waxaan oo idilna waxaan u sameeyay oo aanan kuugu sheegi waayay waxaan ka baqay inaad igu diido arimaas, waxaan isla markii intaan sare u kacay istaagay daaqadii balakoonka waxaan ku yiri waad i qayaantay waxaan u sheegay inaan ka tagayo anigoo soo abaaray asxaabtii Dhalinyrada waxaana u sheegay inay i sireen oo ay yihiin kuwa Qaa’imiin ah. ayuu yiri Xuseen oo intaas raaciyay inay layaab iyo fajac ku noqotay in markuu guursaday kadib uu ugaaday inay tahay Garoob.

Qisooyinkaan iyo kuwa la mid ah ayaa ka dhaca meelo fara badan balse tani ayaa nagu noqotay mid layaableh waxuuna naga codsaday Ninkii ay ay ku dhacday tani inaan u gudbino SHacbi weynaha Soomaaliyeed.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog