Khubaro u dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ay daraaso ku xaqiijiyeen in dumarka bishimaha ama Faruuraha dheer ay ka dareen badan yihiin kuwa Bishimaha yar yar.
Hadaba Dr. Khalid bin Salmaan oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa uu sheegay daraaso ay sameeyen inay ku Ogaaden in dumarka bishimaha dheer ay ka dareen badan yihiin kuwa yar yar, Wuxuuna sheegay in dumarka ay ku kala duwan yihiin qaab dhismeedka jirka,
‘’Waa hubaal in dumarka bishimaha dheer ay ka dareen badan yihiin kuwa yar yar, waxan daraaso ku sameynay in kabadan 1,200 dumar u kala dhashay Caalamka weyna kusoo baxday Astaamaha aan beegsanay’’ Sidaa waxaa yiri Dr.Khalid bin Salmaan.
Sido kale, Prof Tamir Faisal oo kamid ah Khubarada sameeyay daraasada ayaa waxa uu sheegay in Dumarka Bishimaha dheer ay yihiin dumar gob ama qaali ah, wuxuuna sheegay in Daraasadda ay tahay mid xaqiiqo ah oo aan shaki lagalin Karin madaama xog uruurinta lagu sameeyay kumanaan dumar ah,
‘’Ogow Tijaabo uma baahno waa daraaso dhab ah oo la fuliyay’’ sidaa waxaa yiri Prof Tamir Faisal.
Ugu danbeeyntii daraasadaani ayaa ah mid cusub oo aan horay loo shaacin, waxa ayna Khubaradu sheegen in loo baahan yahay in dadka daneeya Arrimaha Bulshadda ay tijaabiyaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com