Daawo Muwaadin Soomali ah oo loo doortay jago sare oo ah Xisbiga AP ee Dalka Norway iyo Soomalida Norway oo Soo Dhaweeyay!!

Friday, February 21, 20140 comments

Xildhibaan Xasan Cali C/risaaq oo ah muwaadin Soomaaliyeed islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Stange ee dalka Norway ayaa loo doortay jago sare oo xisbiga shaqaalaha Norway ah.

Shirka lagu doortay xildhibaanka wuxuu dhacay 18,02.14, waxaana loo doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga shaqaalaha degmada Stange (Furste Neste leder Stange AP),waana markii ugu horeysay taariikhda xisbiga degmada Stange qof ajnabi asalkiisu ka soo jeedo loo doorto xilkaas gudoomiye kuxigeenka koowaad .

Xildhibaanka waxa uu horay uga tirsanaa golaha deegaanka magaalada stange , isagoo sidoo kalena ahaa gudiga qorsheynta iyo kaaliye garsoorka maxkamadda gobolka Hedmark.

Guud ahaan Xisbiga shaqaalaha AP waa xisbiga ugu wayn dalka Norway kasoo inta badan xukumayey dalka Norway wixii ka danbeyey dagaal weynihii labaad ee aduunka , waaxna Xisbiga shaqaalaha ee magaalada Stange waa xisbiga haya hogaanka siyaasadda magaaladaas tan iyo intii la aasaasay xisbiga degmada 1887.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog