Daawo Wariyeyaasha Muqdisho oo lumiyay fursado qaaliya

Tuesday, February 25, 20140 comments

Wariyeyaasha Somalida badankood waxay lumiyaan maalin walba fursado qaaliya sida gefaf,been iyo hadalo iska hor imaanaya oo Siyaasiyiinta Somalida bulshada u mariyaan Warbaahinta madaxa banaan. Shalay markii Maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab gudaha u galeen Madaxtooyadda looga arrimiyo Somalia wuxuu Wasiirka Amniga Qaranka Cabdi Kariim Guuleed Saxaafadda u sheegay inay qabteen qaar ka mida kooxahii soo weeraray.

Cabdi Kariim Guuleed wuxuu yiri "Maleeshiyadii weerarka soo qaaday oo aan qaar gacanta ku dhignay waxay ahaayeen sagaal nin,todobo waa dilnay,waad arkeeysaan meeydkooda,labana gaarigii ayaa ku qarxay ,waana ku dhex dhinteen ,kuwii kalena waa heeynaa"

Warfidiyeenadii joogay iyo tifaftirayaasha Warbaahintooda midna hoos uma eegin beenta intaas la eg ee Wasiir Guuleed ku qalday bulshada maxaa yeelay Saxaafadda waxay ka dhigan tahay Afhayeenka bulshada .

Sidee qof sheeganaya inuu yahay Suxufi ku fahmi waayay xisaab dhan sagaal? hadiise todobo meeydkooda la tusay,laba gaariga ku dhex dhinteen! maxaa loo waayay Wariye ama Tifaftire weydiiya Wasiirka ,hadeey sagaal ahaayeen sidaad sheegeysid tiradaas waa dhinteen,waana aragnaa ee maxaabiista aad sheegeysid inaad qabateen,maxay yihiin? ma kuwa cirka laga soo tuuraybaa? miyaaney is maqlin Wasiir dhegahaaga iyo afkaaga?

Wasiirka Amniga wuxuu siiyay Saxaafada war mala awaal iyo been ku dhisan,wuxuuna ku gefay ehelada labada askari ee gaariga Maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex dhintay.

Labada Askari ee qaraxa gaariga ku dhex dhintay waxay u kala dhasheen Majeerteen iyo Mareexaan,midkoodna wuxuu ahaa sarkaal aad looga yaqiin Madaxtooyada oo hoowlkara hasse yeeshee markii Maleeshiyadii Al-Shabaab qaar la dilay,kuwii kalena baxsadeen ayey gaariga u galeen inay qaniimeestaan,kaxeeystaan sidaas ayuuna gaariga ugu qarxay.

Baaris si hordhaca loo sameeyay waxay khubarada ajnabi ku sheegeen in gaariga uu lahaa badhan qarsoodiya oo dableeyda Al-Shabaab ugu tala gashay inay damiyaan markeey dib ugu laabtaan laakiin nasiib daro labada askari oo aan ogeyn ayaa isku dayay inay kaxeeystaan ama riixdaan,waana ku qarxay gaariga.

Wasiirka Amniga waxay ku tahay ceeb inuu askartaas difaacayay Madaxtooyada ku sheego Al-Shabaab,waana laga sugayaa runtii inuu cudur daar ka bixiyo ,waxaase ka sii daran tirada weerartay Villa Somalia waxay ahaayeen 34 askari,waxaana laga dilay todobo ka mida sidaas darteed ma jiraan qof ka mida kooxdii weerarka geeystay oo la qabtay.
Dunida waa ka mamnuuc in Masuul Qaran been intaas la eg sheego hasse yeeshee sida muuqata madaxda Somalida waxay la tahay guul inay bulshada been qaawan u sheegaan?

Golaha Baarlamaanka Somalia waxaa looga baahan yahay inay si deg dega ugu yeeraan Wasiirka Amniga lana weydiisto inuu golaha Wakiilada tuso argagixisadii uu sheegay in lagu qabtay weerarkii Madaxtooyada?

Hadii Suxufiyiinta faafiyaan beenta iyo dacaayada Siyaasiyiinta waxay ka dhigan yihiin Makarafoonka loo adeegsado marinhabaabinta bulshada Soomaaliyeed,sidaas darteed waxaa muhiima inay Wariyeyaasha xil iska saaraan xaqiijinta Siyaasiyiinta ay beentooda maalin walba baahinayaan!

Hadii aysan Saxaafadda sameeyn dabagal iyo xisaabtan qotodheer ,waxaa hubaala in dalka Somalia ku sii jiri doono dhibaatada maxaa yeelay kaalintii Warbaahinta madaxabanaan ayaa meesha ka baxday.

Hadii aad Wariye tahay keen warbixin sugan ,hadii kale warsuuqa iyo dacaayada bulshada u gudbi,adigoo iska dhigaya Wariye balse aan qarniga soo socdana noqon doonin.

Halkaan Ka Daawo Fursada









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog