Jaceyl iyo Qushuuca Qalbiga - Waa Geeraar Qalbi walba taabanaya

Thursday, February 27, 20140 comments

Dhambaalada jaceylka ee aad kaga barayeen newbanaadir.com ayaa maanta idinku haynaa erayo qalbi walba qushuuc galin doona marka dhadhan dareen leh aad erayadan kala dhex baxdaan.

Akhiriso:-

Qalbigii aad Jeceshahaa

Ileen loo Qashuucaa

Nafta Lagu Qabtaayoo

Loo Quurin Hadimadaa

Qosli Maayo Anigoon

Qoys Kula Qorshayninee

Qaadir Ha Igu Kaa Simo

Ha i Daayo Qarawguye

Qurux Meel La Dhigayoo

Aan La Quurin Baad Tahay

Qarnigaynu Joognana

Qalbigaygi Baad Tahay

Qof Ku Jecel ayaan ahay

Runtii Qeexay Baan ahay

Waxaan Qariyo Ma Hayee

Nafaad Qaadataan Ahay

Qorshahayga Noloshana

Qeyb ka mid ah ayaad tahay

Sidaan Kuu Qadariyana

Iila Qeybso Caashaqa

Inta ay Qabyada Tahay

Waa Qarsoodi Sheekadu

Qofna Yuusan Kaa Maqal

Qaadoo Dhig yey Noqon

Qufulkana Anaa Hayee

Furaha Adigu Qabo

*******************

Qotonkaagii Inan Yahay

Rabigii Qorsheeyee

Xubnaha Qoray Baan

Mahad weyn u Qirayaa

Qancisayee Naftaydii

Qabriga anigoo galin

Kaa Quusan Maayee

Calaf Ha Isku Keen Qoro

Qurux Meel La Dhigayoo

Aan La Quurin Baad Tahay

Qarnigaynu Joognana

Qalbigaygi Baad Tahay

Qof Ku Jecel ayaan ahay

Runtii Qeexay Baan ahay

Waxaan Qariyo Ma Hayee

Nafaad Qaadataan Ahay

Qorshahayga Noloshana

Qeyb ka mid ah ayaad tahay

Sidaan Kuu Qadariyana

Iila Qeybso Caashaqa

Inta ay Qabyada Tahay

Waa Qarsoodi Sheekadu

Qofna Yuusan Kaa Maqal

Qaadoo Dhig yey Noqon

Qufulkana Anaa Hayee

Furaha Adigu Qabo ,,,,,











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog