Siyaasi Caan ah oo sheegay in Qaab qabiil loo aasay Masuuliyiintii Dowlada ee ku dhintay Weerarkii Madaxtooyada

Monday, February 24, 20140 comments

Siyaasiga caanka ah C/llaahi Axmed Caddow horeyna Wasiir uga soo noqday Dowladii Kacaanka ayaa si kulul uga hadlay weerarkii dhawaan Kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya .

Mr Caddow ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in si fudud Madaxtooyadii qaranka lagu weeraro , waxa uuna isweediiyay sida ay ku dhacday in Dareeska Ciidanka Dowlada rag ku labisan ay weeraraan Madaxtooyada.

''Sidee ku dhacday in Ragan hubeesan oo xiran Dareeskii Ciidanka Dowlada in ay galaan Xarunta Madxatooyada Qaranka ,maxey ku dhacday dayacaadaa inta la eg , Dowlda miyeysan laheyn sirdoon shaqeeya ,ma ahan wax la qaadan karo waxii ka dhacay Xarunta Madaxtooya daqaranka'' ayuu yiri Siyaasiga Cabdulaahi Axmed Cadow.

C/llaahi Axmed Caddow ayaa ugu baaqay in Saraakiisha Hay'adaha amaanka Dalka in ay meesha baneeyaan isna casilaan maadama uu sheegay in ay ku fashilmeen howlihii amaanka uu qaranku u igmaday.

Mr Caddow ayaa dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay qaabkii loo aasay Masuuliyiintii iyo Saraakiishii Dowlada ee ku dhimatay Weerarkii dhawaan lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya .

Waxa uuna tilmaamay Siyaasigan in qaab qabiil loo kala aasay Saraakiil iyo Masuuliyiin katirsan Dowada oo ku dhintay Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray Siyaasigan Caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili Maalmo kahor weerar u muuqday mid si weyn looga soo shaqeeyay Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay dagan yihiin Madaxda ugu sareysa Dalka. 











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog