Wiil Dhalinyaro Hubeesan oo watay Magacyada Wariyaal la qorsheeyay in la dilo oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Thursday, February 27, 20140 comments

Ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu katirsanaa Dagaalyahanada Al-Shabaab kaa oo watay Liis ay ku qornaayeen Magacyada dad ay ku jiraan Wariyaal la qorsheeyay in la dilo.

Saraakiisha amaanka maamulka Galmudug ayaa maanta ku soo bandhigay koonfurta magaalada Gaalkacyo kooxo ay ku soo qabqabteen howlgalo ay xalay ka sameeyeen koofurta magaaladaas.

Taliyaha ciidamada amaanka maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo G/Sare Maxamed Cali Nuur (Gidaar) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kooxaha amaan darada waday ee ay xalay qabqabteen uu ku jiray wiil dhalinyaro ah oo bastoolad ku hubeysnaa.

“Wiilkan waxaa uu ka tirsan yahay Al-shabaab magaciisa waxaa la yiraahdaa C/xakiin Xasan Maxamuud oo 16 sano ah, waxaana uu ka mid ahaa kooxo dad ku laayey xalay woqooyiga Gaalkacyo, bastooladii uu fal dambiyeedka ku galayna waan tanaa” ayuu intaa ku daray taliyaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Taliyuhu in sidoo kale ay howlgalkaas ku soo qabteen buug ay ku qornaayeen magacyada shaqsiyaad la qorsheeyey in la qaarajiyo oo isugu jira saraakiil, siyaasiyiin, weriyeyaal iyo dad kale oo ku sugan Gaalkacyo.

Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in maamulka Galmudug wiilka ay qabteen ay ku wareejiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo gaaray xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog