Cirfo oo magacii Habargidir meel uga dhacay -? Ogaden ONLF?

Sunday, March 2, 20140 comments

Xuseen Cali Weheliye {Cirfo} oo ka mida raggii dagaalka qaraar la galay Ciidamadii Xabashida ee Xasuuqa baahsan ka geystay Muqdisho ayaa gumeeysiga Ethiopia u gacan geliyay sedex nin oo qabiil ahaan u dhashay Ogaadeen ,kana tirsan Jabhada gobanimadoonka Ogadeniya.

Xuseen Cirfo oo Isbaaro u ooli jirtay Degmadda Afgooye wuxuu dhalasho ahaan ku abtirsadaa beesha Habargidir gaar ahaan Ceyr hasse yeeshee waxaa dad badan la yaab ku noqotay sababta isaga iyo beesha Guriceel ee Ceyr Habargidir ee Guriceel ku qasabtay inay Geesiyaal Soomaaliyeed u gacan geliyaan Xabashidii dadkeena xasuuqday 2007 -2009.

Falka uu ku kacay Xuseen Cirfo wuxuu meel ka dhac taariikhiya ku yahay guud ahaan beesha Habargidir gaar ahaan beesha Ceyr ee degta Guriceel maxaa yeelay waxay ka dhigan yihiin dad aan walaalkood magangelin karin oo la mida Majeerteen-ka Puntland iyo Isaaqa Somaliland.

Waxay ahaayeen sedex nin,waxayna Guriceel u tageen inay ku daweeyaan nin ka xanuunsanaa laakiin nasiibdaro dagaalyahanadaas Somalinimada keeymaha ugu jiray ee difaacayay Calanka iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somalia waxaa loo gacangeliyay Ciidanka gumeeysiga Ethiopia.

Somalid waxay tiraa DUMARKA AYAAN MAGANGELIN ee goormee Beesha Habargidir noqotay beel aan MAGANGELIN ? goormeese walaalaha gobanimadoonka noqdeen kuwa hilibkooda lagu casuumo Amxaarada.

Gudoomiyaha Jabhada ONLF Admiral Mohamed Omar Hassan wuxuu yiri "SHACABKA MA XUMO EE MADAXDOODA AYAA XUN,WAXAASE LOO BAAHAN YAHAY IN BULSHADA SOOMAALIYEED ISWEYDIIYAAN SABABTA ONLF DAGAALKA UGU JIRTO TAARIIKHDA FOG"

Jawaabtu waxay tahay ONLF waxay u dagaalamayaan inay ka mid noqdaan Jamhuuriyada Somalia ,waxayna diidayaan in Addis Ababa laga xukumo sidaas darteed qofkasta oo Damiir Somalinimo ku jirto ,waxaa muhiima inuu naftiisa su-aalo sax iyo qalad in dadka nuucaasa loo dhiibo xabashida iyo dabadhilifkooda.

CIRFO OO SHEEGTA IN MADAXWEYNE GARGUURTE U MAGACAABAY GUDOOMIYAHA GALGADUUD WUXUU CEEBTA UU KU KACAY KA SHEEGAY IDAACADA VOA SOMALI,wuxuuna yiri "ETHIOPIA AYAAN U DHIIBNAY SARAAKIISHA ONLF"

Xukumadda Addis Ababa Somalida waa yasi jirtay,waa xasuuqi jirtay laakiin geesiyada Ogadeniya halgankooda ayaa sababay in Xabashida ogolaati in Dugsiyada Jigjiga lagu dhigto Afka Somaliga sidaas darteed waa nasiib xumo laga tiiraanyooda in kuwii guushaad horseeday xabashida loo gacangeliyo iyagoo geyi gobanimo u dirir ku caana jooga.

Si kastaba ha ahaatee,SHARAFI DHIMATAY hadii beelweyntii Habargidir ee halganka iyo Somalinimada lagu yaqiin maanta ka aamusan yihiin in  Xabashi loo gacangeliyo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo inteey isku aamini waayeen beelahii kale dhulka beeshaas maciin biday.

By Dahir Alasow










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog