Gabadh Ganacsato ah oo muddo toddobaad ah Raq iyo Ruux la la’aa ayaa manta Meydkeedii laga soo saaray Guri ku yaala Barriga Hargeysa daaradiisa kadib markii qoyska gurigaas oo ay lacag ku lahayd inta ay Dileen dabadeed inta ay God u qodeen ku Aasay.
Marxuumadda la Dilay oo la odhan jiray Ruqiya Siciid Ayaanle ayay Booliiska Somaliland baadi goobayeen halka ay ku danbaysay kadib markii qoyskoodu muddo shan cisho ka hor ay waayeen, wakhtigaas oo ay qoyskoodu sheegeen in ay Hooyadeed inta ay la soo xidhiidhay u sheegtay in ay lacag ka doonanayso gabadh ay lacag ku lahayd oo ay magaceeda u sheegtay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com