Daawo Dhacdo naxdin iyo murugo leh oo soo wajahday qoys Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota Mareykanka

Thursday, March 6, 20140 comments

Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday qoys Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka dib markii wiilkooda yar oo 12 aano jir ah laga helay meydkiisa barkada lagu dabaasha ee iskoolka uu dhiganaanyey arintaas oo naxdin iyo argagax ku noqotey qoyska wiilkaas iyo guud ahaa Soomaalida ku nool gobolkaas. 

Qoyskaan Soomaaliyeed oo ku nool magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan soo wajahday dhacdo naxdin iyo murugo xambaarsan ka dib markii Wiilkooda yar oo lagu magacaabi jirey Cabdullahi Sharif oo 12 sano jir laga soo dhex saarey gunta hoose ee barkada lagu dabaasha ee iskoolka uu dhiganaanyey asaga oo aan wax miyir ah lahayn oo garaafo ah, Wiilkaan ayaa waxaa arkay macalinkii ardayda xilli ardaydii kale dhamaantood ay ka baxeen biyaha dabaasha asagoona uu macalinku isku dayey inuu badbaadiyo laakiin arintaas uma suuro galin iyadoona uu wiilkaas markii dambe uu ku geeriyooday isbitaalka, Wiilkaan oo dhiganaanyey fasalka 7 aad ee iskoolka lagu maacaabo St. Louis Park Middle School ayaa waxaa la sheegay inuusan aqoon dabaasha iyadoona aan la ogeyn sababta keentay in wiilkaas lagu sii daayo oo loo ogaolaado inuu galo biyahaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo qoyska dhalay wiilkaas ay arintaas ku noqotey murugo iyo calool xumo ayaa aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo Cali Warsame waxaa uu sheegay inay is weydiinayaan su'aalo badan oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen asagoona ku eedeeyey maamulka iskoolka inay ka gaabiyeen inay war buuxa ka siiyaan sida ay wax u dhaceen, Garyaqaan u hadlaayey qoyska wiilka geeriyooday oo lagu magacaabo Fred Pritzker ayaa waxaa uu eeda arinkaas dusha ka saarey macalinka kalaaska oo uu sheegay in caruur ka badan ilaa iyo 30 qofood uu ku sii daayey biyaha xilli uusan asagu lahayn qibrad ku aadan badbaadinta iyo ilaalinta caruurtaas, Qaraabada wiilkaas geeriyooday iyo aabaha dhalayba ayaa dhamaantood waxay ku tilmaameen wax laga naxo oo murugo leh wiilkaaga oo iskool kuu aaday in laguu soo sheego geeridiisa. 



Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog