Daawo Video Wiil Soomaal -Canadian ah oo ka mid ahaa ciidamada jabhada Mucaaradka Siiriya oo Geeriyooday!

Monday, March 31, 20140 comments

Wiil Soomaal -Canadian ah oo ka mid ahaa ciidamada jabhada mucaaradka ah ee dagaalka kula jirta dowlada dalkaas Siiriya ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyday dagaalkaas ka socda dalka Siiriya 

Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Diiriye oo 30 sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday dagaalka ka socda dalkaas Siiriya asagoona ka barbar dagaalamaayey jabhada mucaaradka ah ee dagaalka kula jirta dowlada dalka Siiriya ee uu hogaamiye madaxweyne Bashaar Al-Asad, Wiilkaan Soomaaliga ah oo ku noolaa magaalada Toronto ee dalkaas Canada ayaa sanadkii 2005 waxaa loo qabtey oo xabsiga loo dhigay asaga iyo 17 qofood oo kale arimo la xiriiro falal aragagaxisanimo ah iyadoona lagu soo eedeeyey inay abaabulayeen qorsho lagu qarxinaanyo goobo muhiim ah oo ku yaala dalkaas Canada oo ay ka mid ahaayeen Baarlamaanka dalkaas, xarunta sirdoonka dalka Canada iyo suuqa lacagaha iyo goobo kale oo muhm ah. Wiilkaan oo lagu xukumay xabsi gaaraaya ilaa iyo 7 sano ayaa ka soo baxay xabsiga iyadoona ay ciidamada siridoonka dalka Canada ay isha ku haayeen islamarkaana loo arkaayey inuu wali yahay mid qatar ku ah shacabka reer Canada. 

Ugu dambeyntiina iyadoo sida la xaqiijiyey uu wiilkaas Somali-Canadianka ah uu ku geeriyooday dagaalkaas ka socda dalka Siiriya ayaa waxaa la rumaysan yahay inuu si qarsoodi ah uu uga baxay dalka Canada sanadkii 2011 oo uuna ku baxay baasaboor faalso ah oo uusan asaga lahayn maadaama uu ku jirey ninkaas liiska ma dhoofayaasha ama liiska dadka aan loo ogaleyn inay ka dhoofaan dalkaas Canada, iyadoona ay su'aalo badan ka yiadeesida ay wiilkaas ugu suuro gashay inuu ka dhoofo dalka Canada, Geerida wilkaas ayaa waxaa xaqiijiyey Soomaalida ku nool dalka Canada iyo eheladiisaba iyadoona sidoo kale looga duceeyey masaajidkii uu ku xirnaa xilligii uu ku sugnaa dalka Canada. 





Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog