Ka dib wada hadlo iyo xiriiro mudo soo socday, ayaa Jaamacada Somali International University (SIU) , waxay heshiis dhinca waxbarashda ah lagashay sadex ka mid ah Jaamacadaha ugu waawayn Geeska Africa.
Jaamacada Kenyata ee dalka Kenya iyo jaamacada Makerere ee dalka Uganda iyo East Africa International University ayaa hishiis waxay wada galeen Jaamacada SIU ee fadhigeedu yahay magaalada Moqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Hishiiskan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa ka mid ah qodabada lugu sheshiiyay
1. Is-dhaafsiga Ardayda iyo Macalimiinta.
2. Howl-galinta xarumo cilmi baaris si wadajir ah
3. Is-dhaafiska Tababarada & Xogaha la xiriira wax-barashada.
Sidoo kale qodabda lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in Jaamacada kenyata ay ka dhex-furato Jaamacada SIU Qeyb lugu baranyo Master program iyada la raacayo qodobada hoos ku xusan
1. MBA – Master of Business Administration
2. Mater of Public Health – Epidemiology and Disease
3. Master of Public Administration
4. Master of Public Policy and Administration
5. Master of Diplomacy and International Relations
6. Master of Education
7. Master of Arts Peace and Conflict Management
8. Master of Computer Science
9. Mater of Statistics (M. STAT)
10. Master of Economics
Dhinica kale Jaamacada Makerere waxay hir-galinaysaa Xarun lugu barto English Language & communication
Sidoo kale, waxaa Jaamacadda SIU u suurta gasha in ay Jaamacadda International University of East Africa la samaynayso iskaashi la xiriira kulliyada petroleum Engineering.
Jaamacada SIU- Somali International University ayaa waxaa lagu xusuustaa hirgalintii laabab casri ah Oo Aan horay dalka uga jirin bartimihii 2013.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com


