Madaxweyne Gaas Oo Furay Kal-Fadhiga Baarlamaanka Oo Dib U Eegis Loogu Sameynayay Miisaaniyadda 2014-ka (Daawo Sawirada)

Monday, March 31, 20140 comments

Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Baarlamanka kaasi oo dib u eegis loogu samaynayo miisaaniyadda Dawladdu ku shaqayn doonto sanadka 2014-ka, kaasi oo ay Baarlamaanka usoo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kal-fafadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 48-mudane, waxayna maalmaha soo socda ka doodi doonaan miisaaniyadda Dawladdu ku shaqayn doonto sanadka 2014-ka, iyadoo laga sugayo inay ansixiyaan.

Madaxweyne Cabdi-weli ayaa ugu horrayn baarlamaanka uga xog waramay safarkiisii uu kusoo maray Gobolada Bari iyo Kar-Kaar isagoo u sheegay in safarkaasi uu qayb ka ahaa balanqaadyadii Dawladu samaysay ee ku salaysnaa in shacabka loogu tago meel kasta oo ay ay joogaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayuu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay tagaan deegaanada laga soo doorto, si ay u ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin shacabka reer Puntland ee ay wakiilka ka yihiin.

Cabdi-weli Max’ed Cali ayaa Baarlamaanka u sheegay in Puntland iyo shacabkeeduba ay yihiin dhul iyo dad nabad ah loona baahan yahay in halkaasi laga sii wado.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga baarlamaanka ee dib u eegista loogu samaynayo miisaaniyadda dowladda ee 2014.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo kulanka joogay ayaa soo jeediyay warbixin ku saabsan miisaaniyadda ay Dowladdu ku shaqaynayso, taasi oo ay isku soo duba ridday Wasaaradda Maliyaddu.

sidoo kale wasiirku waxa uu ka codsaday Baarlamaanka inay ka doodaan miisaaniyadda, isla markaana ay ansixiyaan si loo dar dar galiyo shaqooyinka kala duwan ee Dowladda u yaalla.


















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog