Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay rag la sheegay in katirsan yihiin Dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaa oo lagu soo qabtay howlgalo ciidanku ka sameeyeen Xaafado katirsan Muqdisho.
Xarunta Taliska Hay’adda Nabadsugidda ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay ilaa 5-nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab , kuwaa oo lagu eedeeyay in falal amaan daro ka wadeen Magaalada Muqdisho.
Ragan lasoo qabtay ee lagu eedeeyay in ay katirsan Al-Shabaab ayaa mid kamid ah lasoo qabtay isaga oo xiran dharka ay haweenka xirtaan gaar ahaan Jalbaab iyo Indha Shareer , waxaana ninkan lagu qabtay howl gal laga sameeyay Degmada Waabari.
Saraakiisha Hay'ada Nabad Sugida ayaa sheegay in Ninkan xirnaa dharka ay dumarka xirtaan ay xariir dhaw lahaayeen afarta kale ee iyagana lagu soo qabtay Howlgalka Ay Ciidamada Nabad Sugida ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.
Hay'da Nabad Sugida ayaa tilmaantay inay wali ku raad joogaan xubne kale oo katirsan Al-Shabaab ay ciidanka Nabad Sugida dabagal ku hayaan , waxaana Saraakiisha Hay'aa Nabad Sugida ay balan qaaday in ragan lasoo qabtay iyo kuwa kale la horgeyn doono cadaalada.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com