Telfoonka gaarka ah uu leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la dhageestay

Sunday, March 30, 20140 comments

Sirdoonka Dowlada Mareykanka ayaa wali la kulmaya fadeexado hor leh oo la xariira in ay dhageestaan Telfoonada gaarka ah ay leeyihiin Madax katirsan Dowladaha Caalamka , waxaana hada soo shaac baxay madax cusub ooTelfoonadooda la dhageestay.

Wargeys kasoo baxa Dalka Jarmalka ayaa baahiyay xog la xariirta in Hay’ada Sirdoonka Dalka Mareykanka ee loo yaqaan NSA ay dhageesatay telfoonada gaarka ah Madaxweynayaal uu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Edward Snowden oo ah nin u dhashay Dalka Mareykanka kana tirsanaa Sirdoonka Mareykanka, ayaa faafiyay dukuiintiyo badan oo la xariira in Sirdoonka Mareykanka ay dhageestaan Telfoonada Hogaamiyaal badan oo Caalamka laga tix galiyo.

Xogtan uu baahiyay Wargeyska kasoo abaxa Dalka Jarmalka ayaa culees hor leh ku keeneysa Sirdoonka Mareykanka , waxaana Wadamo badan oo horey xariirkii ay la lahaayeen Mareykanka u xumaaday kadib markii la ogaaday in Mareykanka si qarsoodi ah u dhageesto Telfoonada Hogaamiyaasha Wadamadaasi.

Lama oga tilaabadan uu qaadan doono Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay hada soo shaac baxday in Telfoonkiisa gaarka ah dhageestaan Sirdoonka Dalka Mareykanka.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog