Wariye ka tirsan Aljazeera TV oo ku dhaartay inuu masaafurin doono Wariyeyaasha Mareexaan ee BBC Somali Nairobi ka shaqeeya?

Tuesday, March 25, 20140 comments

Wariye Maxamed Cadow oo ka hoowlgala telefishinka Aljazeera ayaa olole xoogan ugu jira sidii shaqada looga eryi lahaa shaqaale ka tirsan BBC Laanta Afka Somaliga ee Xarunta Nairobi . Wariyeyaasha uu bartilmaameedsanayo Maxamed Cadow ayaa dhamaantood ka soo jeeda qabiilka Sadde Mareexaan sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen ila wareedyo kala duwan oo Madaxbanaan.

Wariye Maxamed Cadow oo qabiilka Ogaadeen gaar ahaan Maqaabul u dhashay wuxuu ku dhaartay inuu shaqada BBC Somali ka eryi doono afar Wariye oo kala ah :- Xasan Geelle, Abdifatah Cagayare, Mohamed Abdirahman iyo Suheyba Badqas.


Cadow waxaa uu horey  waaxda socdaalka ee Kenya u siiyey warar been ah oo dhaliyey in booliska Kenya ay iska xir xiraan shaqaale ka tirsanaa BBC oo ka soo jeeda Koonfuurta Somalia.

Cadow ayaa abaabulay Siyaasiyiin u dhashay qabiilkiisa oo dowladda Kenya ka dhaadhicinaya in Mareexaanka ka shaqeeya xafiiska BBC Nairobi ay yihiin Somali qaxooti ah oo si sharci darro ah ku qaatey waraaqaha dhalashada Kenya, loona baahan yahay in waddanka laga masaafuriyo.


style="text-align: justify;"> 
"Waxaan ka shaqeeysan la nahay Wariye Mohamed Cadow iyo rag qabiila oo maalin walba noogu hanjabaya inay Dowladda Kenya naga masaafurin doonto dalkeeda” ayuu yiri qof ka mida Wariyeyaasha beesha Mareexaan ee ka hoowlgala BBC Somali Nairobi.

Cadow waxaa uu waraaqaha uu qorey uu ku eedeeyey nin cadaan ah oo la yiraahdo Andres inuu ka dambeeyey in Mareexaan ilaa afar gaaraya ay ku biiraan BBC Nairobi.

Cadow inkastoo uu muddo ku soo dhex jire saxaafadda, hadana kama korin qabyaaladda, maadaama uu ku soo korey dhulka miyiga ee inta badan laga adeegsado qabyaaladda. Waxaa uu si cad oo indho la'aan ah u taageersan yahay maamulka Ahmed madoobe ee Jubooyinka isagoo saxaafadda caalamiaga u adeegsanaya danahiisa gaarka ah, ilowsanna in marka baaritaan lagu sameeyo ay dhibaato ku keeni karto shaqadiisa.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog