Wafdi uu hugaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga Mudane Mahad Maxamed Salaad oo wehliya Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Masar isla markaana ah wakiilka joogtada ee jaamacada carabta Mudane C/llahi Xassan Maxamuud Lataliyaha Safiirada Ilyaas Sh.Cumar iyo Xoghaya koowaad Ee safarada Mudane Cali Cumar Afrah Cali Bashiir ayaa ka qeyb galay Shirkii 141 aad Ee wasiirada arimaha dibada ee jaacada Carabta,
Shirkaan oo soconayay 4 maalmood ayaa ku soo gabagaboobay maanta magaalada qaahira kasoo daahfur u ahaa Shirmadaxeedka lagu qaban doono dowlada kuweit dhamaadka bishaan Waxaa kasoo qeyb galay dhamaan dowladaha carabta inta eey ka koobantahay jaamacada carabta aan ka eheyn dowlada siiriya oo booskii ey ku laheyd banaanaa Waxyaabaha oogu waa weyn ee shirka loogu hadlayna eey ka mid eheyd
Kadib markii uu shirka dhamaaday ayaa waxaa aan la kulanay Wasiirka isla markaana noogu warbixiyay shirka iyo go’aamadii kasoo baxay
Shirkaan wuxuu ahaa kii 141 ee wasiirada arimaha dibada waxyaabaha leesku soo qaadayna waxaa ka mid ahaa arinta siiriya iyo falastiin iyo in la garab istaago dowlada federalka Somalia lagana dhiso dhanka amaanka iyo ciidanka sidoo kale waxaan kulamo la yeeshay wasiiro badan kakala socda Ciraaq Cumaan Kuwait Juzul Qamar Baxreyn Maqrib Jazaa'ir Safiiro iyo mas'uuliyiin ka socda heyadaha dowliga ah iyo Xoghayaha jaamacada carabta Nabiil alcarabi iyo wasiirka arimaha dibada Nabiil Fahmi waxyna balan qaadeen in lagarab istaagi doono kaalintoodana ka ciyaari doono Masar ka dowlad ahaan taasi oo noqoneysa in xariirkii 2 dowlad ka dhaxeysay dib usoo laabato bilaha soo socdana booqan doonaan magaalo madaxda Somalia ee Mugdisho, waa sida uu sheegay wasiirka ,Hadaba shirkaan ayaa gogol dhac u ah midka ka dhici doona dowlada Kuweit goor dhaw
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com