Xasan Xaad ''Dowlada ha qiimeyso rabitanaka Shacabka hana iska dhaafto siyaasiyiinta damaca Waalan leh ''

Thursday, March 6, 20140 comments

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah Odayaasha dhaqan Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in ay tix galiso rabiyaanka Shacabka Soomaaliyeed iskana ilowdo Siyaasiyiinta Damaca Waalan Wata.

Nabadoonka ayaa shalay ka qeyb galay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga soo horjeeday in Gobolka Sh/Hoose lagu daro maamul goboleed lagu dhisayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

“Waxaan rabnaa in la tixgeliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed lagana digtoonaado tix galinta dadka siyaasiyiinta ah ee damacan waalan wata kuwaa oon marnaba ka shaqeeneyn dad umadeed '' ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin Shacabka dagan Gobolada Shabeebooyinka maamul kor looga keenay ay hor boodayaan siyaasiyiin damac waalan wata , waxa uuna ku baaqay in la tixgaliyo rabitanaka dadka daga Goboladaasi loona madax banaaneeyo in ay sameestaan maamul iyaga matala.

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in aysan aqbalayn wax waliba oo ka baxsan Dastuurka Soomaaliya u yaalo, dadka Shabeelooyinkana ay ku heshiiyeen inay dhistaan Maamul Goboleed si sharciga waafaqsana ay ku dhisanayaan.

Hadalka kasoo yeeray Nabadoonkan ayaa imaanaya xili Dowlada Soomaaliya ay shaacisay in ay soo dhaweeneyso Maamul Goboleed ka kooban Sadax Gobol oo ay ku jirto Gobolka Sh/Hoose in lagu dhiso Magaalada Baydhabo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog