Daawo Ciiddanka Gaarka ee (EASF) oo ku soo biiri doona Hawlgalka la gula dagaalamayo Al-shabaab.

Friday, April 25, 20140 comments

Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Seychelles, Somalia iyo Sudan ayaa shalay waxa uu kulan ugu soo idlaaday Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.

Wasiiradda iyo Taliyayaasha Ciiddamadda ee lixdaasi dal ayaa ku heshiiyey baahida loo qabo Hawlgelinta Ciiddanka Khaaska ee loogu talagalay inay faragelin deg deg ah ku sameeyaan dalalka ay colaadaha sokeeye iyo kuwa argagixisadda ka dhacaan.

Madaxda waxay isku raaceen in Ciiddankaasi la hawlgeliyo bisha December ee sannadkan, si ay uga qeyb galaan Hawlgalladda looga hortagayo Kooxaha deganaansho la’aanta iyo falalka Argagixisadda ka wada dalalka ku yaalla Bariga Afrika , waxaana si gaar ah loo tilmaamay Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Ruwanda, James Kabarebe ayaa ugu baaqay dowladaha Ciiddanka ku soo biiriyey Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika The Eastern Africa Standby Force (EASF) inay Ciiddankooda u soo dhamaystiraan Inkaaniyaadkooda, si ay Bisha December u hawlgalaan.

Wuxuuna xusay inay Ciiddanka EASF qaban doonaan hawlgallo muhiim ah, oo ay ku jiraan sidii wax looga qaban lahaa colaadaha, burcad-baddeeda, kooxaha argagixisadda iyo Dembiilayaasha xuduudaha ka gudba .

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Kenya, Julius Karangi ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay Ciiddankaasi ku hawlgeli doonaan xilligii loogu talagalay, si ay wax uga qabtaan Kooxaha Argagixisadda ee khatarta ku haya Ammaanka Mandiqadda.

Xigasho Dalsan Radio












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog