Daawo Fadeexad iyo ceeb baaxad weyn oo soo wajahhday jilaaga Soomaaliyeed ee caanka ah Barkhad Cabdi!!

Wednesday, April 2, 20140 comments

Fadeexad iyo ceeb baaxad weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahhday jilaaga Soomaaliyeed ee caanka ah ee Barkhad Cabdi ka dib markii dhawaantaan waaxda socdaalka ee dalkaas Mareykanka ay ka xayireen inuu gudaha u galo dalkaas Mareykanka maadaama uu dalkaas dhowr jeer oo hore uu ka geystay fal dambiyeedyo kala duwan oo faro badan. 

Jilaaga caanka ah ee Soomaaliyeed Barkhad Cabdi ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday fadeexad iyo ceeb baaxad weyn ka dib markii dhawaantaan ay waaxda socdaalak ee dalkaas Mareykanka ay ka xanibeen inuu gudaha u galo dalkaas Mareykanka maadaama ninkaas loo heystay fal dambiyeedyo tiro badan oo uu ka geystay dalkaas Mareykanka, Jilaaga Barkhad Cabdi oo ku soo caan baxay filimka lagu magacaabo Captain Phillips ayaa waxaa la sheegay ka hor inta uusan ku biiran xirfadaan jilaanimo inuu ahaa nin ay dhowr jeer booliiska dalkaas Mareykanak ay xabsiga dhigeen iyadoona waxyaabaha lagu soo eedeeyey ay ka mid ahaayeen haysasho daroogo Marijuana iyo qaad, sheegasho magaca qof kale, Sarqaanimo, wax isdaba marin la xiriirta keradit kaarka iyo iibasasho qamri xili ay da'adiisu ka yareyd 21 sano taas oo ka mamnuuc ah dalkaas Mareykanaka iyo waliba dambiyo kale, 

Barkhad Cabdi oo aan haysan dhalasho dalkaas Mareykanka ah laakiinse heysta deganaanshaha dalkaas Mareykanka ayaa dhawaataan markii uu dalkaas dib ugu noqday asagoo ka soo duulay magaalada London ee dalkaas Ingiriiska ka dib markii uu ku soo guuleystay abaalmarinta BAFTA waxaa qabsaday booliiska waaxda Socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee lagu magacaabo Minneapolis-St. Paul International Airport ayagoona mudo saacado ah ku xairey halkaas kana hor istaagay inuu galo dalka Mareykanka islamarkaana weydiinaayey su'aalo ku saabsan fal dambiyeedyadiisii hore, Jilaaga ayaa markii dambe la siidaayey loona ogolaaday inuu galo dalka Mareykanka ayadoona lagu wargaliyey inuu waqti dambe dib isaga soo xaadiriyo xarunta booliiska si su'aalo loo weydiiyo baaritaan kalena loogu sameeyo arintiisa. 

Ugu dambeyntiina iyadoo jilaaga Barkhad Cabdi uu la kulmay dhibaatadaas ayaa waxaa arintaas si baahsan uga hadlay warbaahinta caalamka maadaama uu jilaagu ka mid noqday aktarada sida aadka ah ay mudooyinkii ugu dambeysay ay u hadal haysay warbaahinta caalamka, jilaaga Barkhad Cabdi oo aan qabashadiisa iyo xayiradaan aan ka hadlin ayaa mar hore waxaa uu qirtey inay booliisku dhowr jeer qabteen asagoona warbaahinta u sheegay inuu horey dhowr jeer uu u qaldamay taas oo uu ku inuu wax ka kororsaday qaladaadkii uu horey sameeyey islamarkaana uu ka taxadaro inuusan dib dambe ugu dhicin qaladaadkaas oo kale. 








Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog