Daawo Meydadka Askar iyo Saraakiil Katirsan Ciidanka Itoobiya Oo degmada Wabxo Lagusoo Bandhigay iyo Sheekh Cali Dheere Oo Fagaare Kala Hadlay Shacabka.

Sunday, April 6, 20140 comments

Wararka ka imaanaya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad deganaan ah ka jirto Hiiraan iyo Galguduud oo shalay dagaallo culus ka dhaceen.

Fagaara kuyaal degmada Wabxo ayaa lagusoo bandhigay Meydadka askar iyo saraakiil katirsan ciidanka Itoobiya oo lagu dilay dagaal saacado badan qaatay oo shalay ka dhacay wadada isku xirta Wabxo iyo Maxaas.

Mas’uuliyiin katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shacabka fagaarayaal kala hadlay iyagoona soo bandhigay Meyad uu kujiro Taliyihii ugu sareeyay ciidanka Itoobiya ee degmada Ceelbuur iyo Askar kale.

Wariyaha SomaliMeMo ee Galguduud Liibaan Cabdi ayaa soo sheegay in shacab farxadi ka muuqato wajiyadooda ay Meydadka ciidanka Xabashida Itoobiya ku daawadeen gudaha Wabxo,ciidamada Itoobiya ee dagaalkii shalay lagu jebiyay ayaa gaaray dhanka degmada Maxaas iyagoona jiitay laba kamid ah gaadiidka dagaalka oo shalay laga gubay.

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere iyo sheekh Xassan Yacquub Cali oo gudaha Wabxo kula hadlay shacabkii iskusoo baxay ayaa ka hadlay arrimo muhiim ah.

Goordhaw Waxaan soo gudbin doonnaa Sawirrada Wabxo,Meydadka ciidanka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Al Shabaab.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog