Masaajidka caanka ahaa ee taariikhda faca weyna ku lahaa magaalada Muqdisho ee lagu magacaabo Masaajidka Arbaca Rukun ayaa waxaa la sheegay inuu noqdey hoy ama guri ay ku nool yihiin dad arintaas oo ah mid la yaab ku noqotey qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.
Masaajidka Arbaca Rukun oo ah mid taariikh fac weyn ku leh magaalada Muqdisho islamarkaana ka mid ahaa astaamooyinka lagu calaamadeeyo taariikhda magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu noqdey guri ay ku nool yihiin qoys Soomaaliyeed arintaas oo ah mid lala yaabo, Masaajidkaan oo ka mid ahaa meelaha la soo qaato marka laga hadlaayo taariikhda faca weyn ee magaalada Muqdisho islamarkaana lagu muujin jirey bilicda iyo quruxda magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu hada ka mid yahay meelaha ay degaanada ka dhigteen dadka ku soo qaxay magaalada Muqdisho bur burkii dalka Soomaaliya ka dib.
Ugu dambeyntiina iyadoo wixii ka dambeeyey bur burkii iyo baabi'ii dalka Soomaaliya ee uu sababay dagalka sukeeya la arkaayey meelo badan oo ka mid ahaa dhismayaasha iyo adeega howlaha guud ee shacabka Soomaaliyeed oo degaano u noqday shacab ku soo qaxay magaalada Muqdisho oo sida meelo ay ka mid ahaayeen wasaarado, wakaalado, iskoolo, jaamacado iyo meelo kale oo ay degaan ka dhigteen dadkaas soo qaxay ayaa waxay tahay mid aan horey loo arkin ama arin aad u yar in masaajid Alle lagu caabudo uu noqdo ama loo badelo guri degaan ah oo ay dad ku nool yihiin.
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com