Fashilka Muungaab+Guuxa Muqdisho+Damujadiid=Ikhwaanka Masar

Monday, April 7, 20140 comments

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa weji gabaxii ugu horeeyay kala kulmay Gudoomiyaha Degmadda Kaaraan Mr Cali Calasow kadib markii warqad xilka looga qaaday Gudoomiyaha uu ku hor jeexjeexay Muungaab hortiisa.

Gudoomiye Muungaab ayaa Cali Calasow u adeegsaday awood Ciidan,waxaana degmada Yaaqshiid la wareegay Ciidamo uu watay Muungaab,isagoo khudbad uu ka jeediyay gudaha degmada ka sheegay inuu xilkii Gudoomiyaha Kaaraan u magacaabay Axmed Xasan Yalaxow oo ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid.

Shacabka Gobolka Banaadir ayaa maalmahaan is weydiinayey isbedelka Muqdisho u baahneyd ma yahay kan  ay wadaan Masuuliyiinta Dawladda oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Hassan Garguurte, Wasiirka Amniga Cabdikariin Guuleed, Wasiirka Cadaaladda Farah Abdulkadir iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Gen Muungaab, Masuuliyiintaan oo dhamaantood ka tirsan xarakada Damu Jadiid.

Afarta Gudoomiye ee loo magacaabay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa ka wada tirsan firqada xarakada islaamiga ah ee Al Islaax qeybteeda Damu Jadiid, Dhamaan dhalinyaradaan waxbarashadoodu waxay ku qaateen Machad-ka SIMAD oo ay Hay’adda AMA ee uu hogaamiyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mr Farah Abdulkadir maamusho iyo Jaamacada International African University Sudan oo ay ka soo baxaan dhalinyarada Damu Jadiid maadama xiriir la leeyihiin.

Sida Warbaahinta oo ogaatay waxay Damu Jadiid doonayaan in dhamaan Gudoomiyeyaasha degmooyinka loo magacaabo dhalinyaro ka tirsan urur diimeedkooda,iyadoo xilka qaadis lagu sameeyn doono Gudoomiyeyaasha shaqada muuqata qabtay sida Gudoomiyaha degmada Wardhiigleey Deeqa Cabduqadir oo lagu tilmaamo geesiyad degaankeeda ka sifeeysay Al-Shabaab.iyadoo dhinaca kalena bilicdii degmada hagaajisay kadib markii ay burburisay dhamaan dhismayaashii sharcidarada ahaa.

Dhalinyarada Xarakada Damu Jadiid oo CV-yadooda lagu xardhay Magaca Jaamacada SIMAD iyo Jaamacada International University of Sudan ayaa maalmahaan buux dhaafiyey xafiisyada Gudoomiye Muungaab, Wasiirka Cadaalada Farah Abdulkadir iyo Wasiirka Amniga Cabdikariin Guuleed, iyaga oo wata magacyada degmooyinka ay doonayaan in Maamulkooda loo dhiibo, Dhalinyaradaan oo aan lahayn qibrad Maamul, kana wada tirsan hal koox ayaa shacabka Muqdisho ka muujiyeen Shaki balaaran iyaga oo isweydiinaya in masuuliyiinta xilka laga qaadayo lagu saleeyay xilka qaadistooda waxqabad la’aan iyo in Lagu saleeyay inaysan ka tirsaneyn Kooxda Damu Jadiid, Halka shacabka Muqdisho xaqiiqsadeen masuuliyiinta ilaa  la magacaabay iney yihiin xubno ka tirsan Xarakada Damu Jadiid.

Shacabka Muqdisho oo kasoo daalay Xarako Islaami ah ayaa mudadii ay jirtay dawladda Madaxweyne Hassan Sheikh xaqiijiyey in Xarakada Damujadiid kusoo badanayeen Xafiisyada Dawladda sida Madaxtooyada, Wasaaradaha iyo haatan oo ay isbedel ku wadaan Gobolka Banaadir.

Isbedelada Noocaan ah ayaa lagu xasuustaa Xukunkii Akhwaanul Muslimiin (Al Islaax) ee Dalka Masar oo uu hogaaminayey Madaxweynaha haatan xabsiga ku jira ee Mohamed Mursi, inkastoo madaxweynahaasi uu doorasho dadweyne ku yimid haddana waxaa kacdoonka ka dhanka ahi bilaawday markii ay xafiisyada Dawladda isku wada magacaabeen Kooxdii Akhwaanul muslimiin, aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Masar ee aan ahayn Al Islah ayaa la sheegay inay shaqo la’aan baahsani ku dhacday xiligaasi,taasoo haatan u eg meesha ay Muqdisho mareyso.

Aqoonyahanada iyo waxgaradka Muqdisho ayaa welwel ka muujiyey in koox gaar ahi xukunka dalka iyo kan gobolka Banaadir la wareegto, Maadaama kooxdaani aysan ku imaanin doorasho shacab.


Si kastaba ha ahaatee waxaa jira Masuuliyiin maamula qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir oo amniga shacabka iyo adeega bulshada (Amaanka, Jidadka) xaafadaha ay maamulaan wax fiican ka qabtay, masuuliyiintaa oo shacabku kalsooni weyn ku qabaan.

Aqoonyahanka iyo waxgaradka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqaya Masuuliyiinta Dawladda iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in isbedelka loo baahan yahay uusan noqonin kaliya in qof lagu bedelo qof katirsan Xarako gaar ah, Balse la joogo xiligii la qiimeyn lahaa qofka wax qabadkiisa, shacabka reer Muqdisho dooran lahaayeen Masuuliyiinta hogaamin lahayd.

Isbedelka dadka Muqdisho doonayaan ayaa ah in Federaalka shirkada lagu yahay ku koobnaan Gobolka Banaadir, inta Federaalku ka shaqeynayana Gobolka Banaadir lasoo wareego ilihiisa Dhaqaalaha sida Dekedda, Garoonka iyo Canshuuraha Beriga kasoo xarooda, Canshuurtaasina lagu hormariyo adeegyada Bulshada kunool Gobolka Banaadir oo ka badan 2 milyan oo qofood, Gobolka Banaadir-na uu  bixiyaa canshuurta Dawladda Federaalka Soomaaliya qoondadii kaga soo aada Markii Soomaalidu ku heshiiso sida wax u qeybsanayaan.  


Inkastoo Muqdisho tahay Caasimadda Soomaaliya haddana shacabka kunool Muqdisho wuxuu u baahan yahay service-ka ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada kale ee dalka, mana haboona in Wasaarado magac u yaal ah loo dhiibaa dhaqaalaha Muqdisho, wasaaradahaas oo dhaqaalaha ay maamulaan aan guud ahaan dalka iyo Muqdishaba wax loogu qaban.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog