FIIRSO SAWIRADA Ciyaaryahan ka tirsana kooxda Arsinal oo ku biiray Alqaacidada ka dagaalanta Siiyiora. YAAB

Monday, April 7, 20140 comments

Webset ay leeyihiin Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama Dalka Siiriya ayaa soo bandhigay Muuqaalka nin sheegay in uu kamid ahaa Ciyaartow Kooxda Kubada Cagta Arsenal ee ka dhisan Dalka Ingiriiska.

Nikan oo Magaciisa ku sheegay Abu Isa al-Andalus ayaa kasoo muuqday Video lasoo galiyay Webset ay isticmaalaan Jihaadiistayaasha ka dagaalama Dalka Siiriya .

Abuu Isa oo ku waramay in uu kamid ahaa Ciyaartowda Arsenaal ayaa ugu baaqay Muslimiinta kunool Wadamada Reer Galbeed in ay usoo safraan Dalka Siiriya kana bar bar dagaalamaan Kooxada halkaasi ka dagaalama.

Ninkan ku biiray Dagaalka Siiriya oo wajiga u duubnaa ayaa watay Qori nuuca AK-47- , Waxa uuna u muuqday nin ku faraxsan in uu noloshiisii hore wax badan ka badalo kana dagaalamo Dalka Siiriya.

FiSyria.com, oo lasoo galiyay Muuqaalka Ninkan ayaa sheegay in Abu Isa al-Andalus asal ahaan uu kasoo jeedo Dalka Ingiiiska uuna kamid ahaa ciyaartowda Arsenal , waxaana la sheegay in Ninkan 2-sano kahor noqday mintid iskana dhaafay wax walbo oo kasoo haray in uu dagaalamo.

Afhayeen u hadlay Kooxda Arsenal ayaa sheegay in aysan wax cadeyn ah u heyn ninkaasi la sheegay in uu horey uga tirsanaa Kooxda Arsenal , waxa uuna tilmaamay ninkan uu qariyay aqoonsiyo fara badan , magaciisana uusan ka diiwaangashaneen













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog