Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen, Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab) ayaa xilkii Gudoomiyanimo waxa uu ka qaaday 14-kamid ah Gudoomiyaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa Wali Seefta xil kaqaadista aysan qaadin oo soo haray labo Gudoomiye kaliya ,kuwaa oo kala ah Gudoomiyaha Degmada Howl Wadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) iyo Gudoomiyaha Degmada Yaqshiid Muxudiin Jurus.
Labadan Gudoomiye ayaa kamid ahaa Xubnihii ugu saameynta badnaa gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxaana hada la saadaalinayaa in iyaguna aysan mudo sii joogeyn oo la filayo in maalmaha soo aadan xilka laga qaado.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Jen.Muungaab ayaa hada wada qorshe uu ku diyaarinayo Gudoomiyaasha lagu badali lahaa Jacfar iyo Jurus , waxaana la saadaalinayaa in labadan Masuul lagu badalo xubno ku dhaw dhaw ay raali ka yihiin si uusan isbadal ugu imaan Degmooyinkaasi amaankoodana loo adkeeyo.
Mamulka Gobolka Banaadir ayaa looga digay in ay Maamul iskood ah usoo sameeyaan Degmooyinka Howl wadaag iyo Yaqshiid iyagoona kala tashan dadka deegaankaasi iyo maamuladii horey oo wax badan ka qabtay amaanka iyo hormarka Degmadaasi.
Jen.Muungaab ayaa balan qaaday in uusan hal Gudoomiye oo kamid ah Gudoomiyaashii Degmooyinka uusan la shaqeyn doonin xilkana ka qaadayo wax ha qabto ama yuusan qaban , Waxaana la sheegay in Ujeedka Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay in lakal diro Gudoomiyaashii hore ee lasoo shaqeeyay Tarsan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
