Qoraal loogu Magacdaray Xisaabtanka Dadweynaha oo lasoo saaray (Daawo Sawirada)

Thursday, April 10, 20140 comments

Waxaa Xarunta Daladda SOSCENSA ee Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Magaaladda Muqdisho Shalay oo ay Taariikhdu tahay 9/4/2014 ka soo saartey Qoraal waxaana Qoraalkaas Akhriyey Gudoomiyaha Daladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo Dhinacayadiisa fadhiyeen Masuuliyiinta Daladda SOSCENSA, waxaana uu halkaa ku Faahfaahiyey Barnaamij ay Daladda ugu Magacdartey (Xisaabtanka Dadweynaha) “IslaXxisaabatan la’aan lama gaari doono Amni, Caddaalad iyo Nolol Horumarsan”. Waxaaana uu u Qornaa Sidatan. 

Dalladda SOSCENSA oo ka jawaabeysa cabashooyin badan oo ka soo gaaraya dadweynaha Soomaaliyeed, waxay maanta oo ay taariikdu tahay 9\4\2014, ku dhawaaqeysaa olole ballaraan oo lagula dirirayo musuqmaasuqa iyo qabyalaadda baahsan ee ka dhex jirta hey'adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa bulshada rayidka, iyadoo ujeedadu tahay in la helo caddaalad bulsho, dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Meelaha sida gaarka ah ololahani ku wajahan yahay waxaa ugu horreeya:

Miisaaniyadda Siyaasadda. (Political Fund).

Halkan, miisaaniyadda siyaasadda waxaa loola jeedaa kharashka lagu bixiyo dano siyaasadeed, kaasoo ah bohosha ugu ballaaran ee lagu guro hantida qaranka, hantidaas ee wax loogu qaban lahaa ummadda guud ahaan iyo gaar ahaan dadka nugul ee laga yaabo inay u dhimanayaan nafaqo iyo caafimaad darro. In ka badan 396,000 oo barakacayaal ah ayaa ku sugan Caasimadda dalka oo aan wax qoondo ah ka helin miisaaniyadda dhexe ee dowladda. 


Mushaarka shaqaalaha iyo kan ciidammada oo aan la bixin dhowr bilood, ayaa dhinaca kale la bixiyaa kharashaadka huteellada , safarrada, qalabeynta guryaha iyo xaafiisyada ama la siiyaa dhaqaale kale dad aan wax xil u haynin dowladda. Kharashaadka siyaasadda waxa laga bixiyaa qasnado dhowr ah sida, tan dhexe ee dowladda, tan deeqaha dibadda, hantida gaarka loo leeyahay iyo deymaha lagu qaado magaca dowladda ama maamullada.

Shaqabixinta

Shaqabixintu waa meel kale oo ay ragaadiyeen musuqmaasuq iyo qabyaalad. Dhallinyaradeenna wax baratay ee shaqo la’aan suuqyada buux-dhaafiyey, ayaa la shaqaaleysiiyaa dad aan wax soo baran, isla markaasna aan gudan karin xilalka loo dhiibay, taasoo dhaallinyarada ku beerta rajo-beel iyo inay waddanka isaga cararaan ama ay ku biiraan kooxaha hubeysan. Qaraaba-kiilka ka taagan shaqo bixinta dalku wuxu abuuray isir-sooc iyo sicirbarar ku dhaca tirada shaqaalaha hey’adaha dowladda. Siyaasiyiinta iyo maalqabeennaduba waxay shaqooyinka siiyaan xigtadooda iyo dad ay u xilhayaan, taasoo meel kadhac ku ah maamul wanaagga.

Qandaraasyada.

Qandaraasyada la bixiyo wey tiro beeleen laakiin waxaa laga soo qaadan karaa: maraakiibta sharcidarrada uga kalluumeysata badaheenna, maamulka dekadaha, garoomada diyaaradaha, baarista shidaalka, xarumihii wasaaradihii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iwm. Maraakiibta sida sharci darrada ah u gurtaan kheyraadka ku jira badaheenna intooda badani waxay sitaan shatiyo ay bixiyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta dalka. Wasakhda sumeysan ee qaar ka tirsan maraakiibtaas ay ku shubaan badaheenna waxay halis ku tahay caafimaadka dadkeenna.

Miisaaniyadda siyaasadda, shaqabixinta iyo Qandaraasyada, nooc kasta oo ay yihiin laguma bixiyo nidaam iyo hannaan caadyaal ah{transparant} dhaqaalaha kasoo galana waxba looguma qabto ummadda.

SOSCENSA waxay u Hawlgalaysaa in:

1. Loo Tartamo dhammaan Shaqooyinka, Jagooyinka Siyaasadda, Qandaraasyada, Deeqaha Waxbarashada, iwm, si loo aasaaso hannaan Caddaalad ku dhisan. 

2. Hey'adaha jira sida; Baarlamaanka, Saxaafadda,Bulshada Rayidka ah iyo Shacabka loo abaabulo sidii shacabku ay ula xisaabtami lahaayeen masuuliyiinta hey’adaha qaranka, kuwa gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka, si loo joojiyo musuqmaasuqa.

3. La sameeyo cilmi-baaris ku saabsan waxyeellooyinka muqmaasuqa iyo qabyaaladdu ay u geystaan dadweynaha, talooyinka ka soo baxa daraasdaasna lagu daro manhajka waxbarashada dalka, si wacyiga jiilka soo koraya kor loogu qaado ayna uga hortagaan dibindaabyooyinka musuqmaasuqa.

4. La qabanqaabiyo doodo masuuliyiinta hay’adaha kor ku xusan ay warbixin ku saabsan waxqabadkooda ku siiyaan dadaweynaha Soomaaliyeed, si loola socdo isbeddelka ku dhacaya heerka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda ragaadiyey dib-u-dhiska Qaranka Soomaaliyeed.





W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog