Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka hadlay raafka lagu hayo Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Sacuudiga. Afhayeenka AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladdahaas ay kala hadleen dhibaatada lagu Soomaalida gaar ahaan raafka dhawaan ka billowday magaalada Nairobi.Wuxuu sheegay in xukuumadda Kenya kala hadleen in la joojiyo dhibaatada lagu hayo Soomaalida martida u ah ee magangalyo doonka ah. Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay dowladda Sucuudiga kala hadleen inay joojiso Soomaalida lagu dhibaateynayo xabsiyada iyo tarxiilkaba, ayna ku boorriyeen inay tixgelin gaar ah siiyaan Soomaalida dalkooda ku nool.Wuxuu sheegay dadkaas la soo dhibaateeyay haddii ay dalka ku soo laabtaan in ay khatar u yihiin in ay ku biiraan Al-Shabaab oo dhib ka weyn ay la yimaadaan sidda uu yiri. Hadalka afhayeenka AMISOM ayaa soo baxay kaddib markii Al-Shabaab ay meel fagaaro ah tababbar ku siiyeen dhallinyaro 100 ka badan oo ka soo laabtay Kenya, kuwaasoo diyaar la ah in ay la dagaallamaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com