Aqriso: Liiska Xildhibaanada kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxtooyada loo gudbiyay!!

Thursday, May 8, 20140 comments

Sida aan ku heleyno Warar lagu kalsoonaan karo Xarunta Madxatooyada ee Villa Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha ayaa la geeyay Liiska in kabadan 100-Xildhibaan oo kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xogta aan heleyno ayaa tilmaameysa in qorshaha ka dabeysa in Magacyada Xildhibaanada Baarlamaanka la geeyo Xarunta Madaxtooyada in ay tahay in la kala ku fur furo oo la kala dilo xildhibaanada hada isku fikirka ah eek u baaqay in Madaxweynaha uu is casilo.

Madaxtooyada ayaa qorsheeneysa in la laaluusho Xildhibaanada hor boodaya una ololeenaya in Mooshin laga gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si loo damiyo xiisada Siyaasadeed ee hada kacsan.

Ilo kusugan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xalay Madaxtooyada looga yeeray laguna arkay xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo horjeeda Siyaasada Madaxwenaha kuwaa oo si hoose qaarkood looga dhaa dhiciyay inay ka laabtaan qorshaha ay wadaan.

Xildhibaano kale ayaa iyagana maanta balan kuleh xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuwaa oo la tilmaamay in laga dhaa dhicinayo in ay ka tanaasulaan go’aankii ay Madaxweynaha uga dalbadeen in uu iscasilo waxaana taa badalkeeda xildhibaanada loo sameenayaa balan qaadyo ay ku qancaan.
Qorshaha MadaxtooyadaSoomaaliya ay wadato ayaa ah in aan lawada laaluushin Xildhibaanada Baarlamaanka balse lala kulmo lana qanciyo inta hor boodeysa barnaamijkan Siyaasadeed si uu fashil ugu dhamaado xildhibaanada soo harayna ay iskaquustaan.

Lama saadaalin karo sida ay ku dambeyn doonto Xiisada Siyaasadeed ee Madaxtooyada ka aloosan , waxa ayna inta badan dadka siyaasada falanqeeya qabaan in lakala fur furi doono Xildhibaanada Baarlamaanka uuna fashil ku dhamaan doono Mooshinkii laga gudbin lahaa Madaxweynaha oo hada aan u muuqan mid iscasilaya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog