Banaabaxyo waa wayn oo lagu taageerayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Lagu Wado in uu Muqdisho ka Dhaco!!

Sunday, May 11, 20140 comments

Banaanbaxyo lagu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana loogaga soo horjeedo baaqii dhowaan ka soo baxay xubno kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Lagu Wadaa in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Dibad-baxa Lagu Wado in uu Maanta ka Dhaco Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay Qaban Qaabadiisu wado Maamulka Gobaka Banaadir Waxaana la sheegay in Maamulka Ugu Baaqay Qeebaha Kala Duwan Bulashada Sida odayaasha,dhalinyarada,haweenka in ay kasoo Qeebgalaan banabaxaas ayna Muujiyaana Sida ay ugu xun yihiin in baarlamaanka Soomaaliya Xiligaan ka keeno Mooshin ka dhan Ah Madaxwaynaha Dalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale Banaanbaxaan ayaa laga Cabsi Qabaa in uu Noqdo Banaabax Rabshado wada Maadaama Shacabka Muqdisho aad ugu caraysan Yihiin Hadalkii kasoo Yeeray Qaar kamid ah Xubnaha baarlamaanka oo Diidan Siyaasadda Madaxwayne Xasan Shiikh.

La Ark Doone Sida uu Ku Soo Dhamaado Banaanbaxaan lagu Mado in uu Maanta ka Dhaco Magaalada Muqdisho Kaasoo Banaanbax lagu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana loogaga soo horjeedo baaqii dhowaan ka soo baxay xubno kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Wixii Warar ah ee Kasoo baxa Banaabaxaan lagu Wado in uu Manata ka dhaco Muqdisho Kal Soco Wararkayaga Danbo Insha Allah












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog