Waxaa goor dhaw soo idlaaday kulamadii 37 ee horyaalka Spain oo natiijooyinka qaar ay noqdeen lama filaan, Atletico Madrid ayaa iska qasaarisay fursad ay ku qaadi kartay horyaalka Spain halka Barcelona ay iska beerdaraysay fursad ay si wayn ugu soo dhawaan laheed ku guulaysiga La Liga.
Qaybtii hore in kasta oo aan waxba la iska dhalin hadana labada kooxood ayaa isku cunay fursado loo fishay gool, Atletico Madrid ayaa isku dayeeysay inay isku dheeli tirto difaaceeda iyo weerar keeda.
Qaybtii danbe Malaga ayaa gool kaga naxsatay Atletico Madrid daqiiqadii 66 waxaana u dhaliyay Samuel Garcia isagoo ciyaarta ka dhigay 0-1.
74 daqiiqo Atletico ayaa soo bar baraysay waxaana u dhaliyay Alderweireld kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubad uu ka helay saaxiib kiis Jose Sosa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-1.
Atletico Madrid ayaa u soo dhawaatay inay dhawr mar shabaqa soo taabato lakiin gool haye Caballero ayaa ka hor istaagay, ciyaarta ayaa ugu danbayntii ku soo idlaatay 1-1.
Dhanka kale Kooxda Barcelona ayaa iska qasaarisay fursad ay uga daba imaan kartay kooxda Atletico Madrid kadib markii ay dhan keeda lagashay 0-0 kooxda Elche oo marti u hayad.
Ciyaartoyda Barcelona ayaa isku dayay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta waliba iyagoo intabadan iska maamulanayay ciyaarta lakiin ugu danbayntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-0.
Natiijadaan ayaa ka dhigaysa in horyaalka ay ku guulaysan doonto Atletico Madrid ama Barcelona mid kood isbuuca danbe, Atletico ayaa u baahan kaliya bar baro si ay ugu guulaysato La Liga halka Barcelona ay u baahan tahay inay guul ka gaarta Atletico Madrid.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com