Faah faahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax galabta ka dhacay Degmada Xamar Weyne gaar ahaan Wadada Via Roma Albaabka hore ee Shirkada Hormuud Xamar Weyne.
Qaraxa ayaa waxa lala eegtay gaari Nuuca Market 2 waxaana qaraxa loogu xiray Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Degamda Xamar Jajab Faarax Daahir Jimcaale iyadoona dhaawac Culus uu soo gaaray.
Sidoo kale Qof Shacab ah oo meesha ka ak dhawaa ayaa la xaqiijiyey inuu qaraxa ku dhaawacmay iyadoona goobta laga qaaday Mas’uulkii la qarxiyey iyo Ruuxii Rayidka ahaa ee dhaawacmay.
Gudoomiyaha Maamulka Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo Saxaafada kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaariga loogu soo xiray Faarax Jimcaale dhaawac Culusna uu soo gaaray ay goobta ka qaadeen Cusbitaalna ay geeyeen isagoona qaraxaasi ku Eedeeyey inay Al Shabaab ka dambeeyaan waxaana uu sheegay in Hal qof oo shacab ah qaraxasi ku dhaawacmay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com