Boqolaal ruux oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa bilaabay inay iskaga baxaan dalka Kenya maalin kadib markii ay soo baxday digniin ku saabsaneyd in halis dhanka amaanka ah kasoo socoto dalka Kenya.
Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in inta badan ugu badan dadka British,ka ah ee Kenya ku noolaa dalkaasi ay iskaga baxeen waxaana dadka Ingiriiska ee Kenya ka baxay saacadihii lasoo dhaafay ay gaarayaan illaa 400 oo ruux.
Wasaaradda arrimaha dibbadda Ingiriiska ayaa sheegtay in dadka British,ka ah ay Kenya uga baxayaan kadib markii ay dareemeen halista amaan ee dalkaasi ku wajahan oo ay amaankooda u baqeen.
Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ayaa ka mid ah meelaha ay ka baxeen dadka Ingiriiska ah oo qaarkood dalkaasi u joogay dalxiis.
Dhanka kale shirkadaha dalxiiska ee Britain ayaa joojiyay dadka Ingiriiska u dhashay ee ay u qaadi jireen dalka Kenya kadib markii dawlada dalkaasi ay walaac ka muujisay amaanka dalka Kenya.
In ka badan 5,000 oo ruux oo Ingiriis ah ayaa la aaminsan yahay inay Kenya howlo kala duwan u joogaan waxaana dawlada Ingrisiisku sheegtay inay ka digayso weeraro Al-Shabab ka geystaan dalka Kenya.
Australia ayaa dhankeeda ay suura gal tahay in ay dadkeeda kala Baxdo Wadanka Kenya
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com