Gabadhii ka baxday Diinta Islaamka ee lagu xukumay in la dal dalo (Daawo Sawirada)

Saturday, May 17, 20140 comments


Maxkamad kutaala Dalka Sudan ayaa xukun dal dalaad ah ku riday gabar u dhalatay Dalkaasi oo ka baxday diinta Islaamka taa oo fursad loo siiyay in mudo sadax maalin ah ay diinta kusoo noqoto.
Maryan Yaxya Ibraahim oo ah Gabar 27-jir Uur leh ayaa horey u heesatay Diinta Islaamka ,waxa ayna shaacisay gabdhan in ay ka baxday diinta Islaamka oo ridowday, waxa ayna guursatay nin aan diinta Islaamka heesan oo gaal ah
“Waxaan ku siinay Saddex maalmood si aad diintaada ugu soo laabatid, laakiin waad diiday in aad ku soo laabatid Islaanimda, sidaas darteed waxaan kugu xukunay in lagu daldalo,” xaakinka ayaa ku dhawaaqay, siday ka soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.
Qaar kamid ah Warbaahinta Dalka Sudan ayaa sheegtay in gabadhan Diinta Islaamka ka baxday aan xukunka Dal dalaada ah lagu ridi doonin inta ay ka dhaleyso ilmaheedana ay ka gaarayaan ilaa labo sano.
Qaar kamid ah Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa si kululu canbaareeyay Xukunka Dowlada Sudan ku riday Gabdhan diinta Islaamka ka baxday ,Hay’ada Amnesty Internationala ayaa waxay rumaysan tahay in ay Maryan tahay maxbuus loo ciqaabayo diinta ay rumaysan tahay.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog