Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban lixda Gobol ayaa xiligan kulan waxa uu Hotel kuyaala Magaalada Muqdisho kula leeyahay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada kulanka la leh Madoobe Nuunow ayaa ah Xildhibaano kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle siyaasad ahaana taageersan oo gadaal ka riixaya Maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya ee kakooban lixda Gobolka.
Kulanka ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa Maamulka aan heesan taageedada Dowlada Federaalka iyo tan Beesha Caalamka , waxa ayna Xildhibaanadan uu kamid yahay Sheekh Aadan Madoobe kala hadlayaan Madoobe Nunow ajandaha wada hadalo la filayo in uu la qaato madax katirsan Dowlada.
Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan labo Maamulka oo iska soo horjeeda kuwaa oo kala ah mid ka kooban Lix Gobol iyo mid ka kooban Sadax Gobol , waxaana labada maamul dhinaca ka riixaya Siyaasiyiin iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya hasa ahaata kala wata Siyaasado iska soo horjeeda.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com