Xog: Xasan shiikh oo wadnaha farta-ku-haya (Maxaa keenay socdaalka Kampala?)

Monday, May 12, 20140 comments

Xog cusub oo aanu ka heshay socdaal deg deg ah oo madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh uu shalay ugu amba baxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Ilo-xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in madaxweynaha uu walaac xooggan ka qabo shir la sheegay in beesha caalamka ay mas’uul ka tahay oo dhowaan mar kale lagu qaban doono magaalada Kampala.
Shirka oo ay beesha caalamka kula shireyso ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in looga tashan doono ama wax looga weydiin doono xaaladda Somalia.
Sida ay lee yihiin ilo-wareedyada Shirka laguma casuumin lagumana war-gelin dowladda Somalia, taasina waxa ay walaacisay Xasan Sheekh, oo markii horeba culees uu ka haystay dhinaca xldhibaanada baarlamanka.
Waxa uu madaxeynaha Uganda kala hadli doonaa sida ay wax u socdaan iyo mowqifka dhabta ah ee beesha caalamka ay ka qabto dowladdiisa.
Inkasta oo wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu horey u sheegay in beesha caalamka aanay madaxyweynaha ku cadaadineyn is-casilaad, haddana waxaa lau warramayaa in Xasan weli walaacsan yahay.
Xildhibaanada baarlamanka ee dalbaday inuu is-casilo, ayaa sugaya illaa toddobaad, ka hor inta aan mooshinkiisa si toos ah loo horgeyn baarlamanka, maadaama loo qabtay inuu laba toddobaad isku casilo











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog